Wednesday, April 2, 2014

Maqaasidu Shariica islaamiya?By: Jamaal Abu-Ciza


Diinta islaamku waxay u taagantahay inay ilaaliso lix waxyaabood ama qodob oo aasaasi u ah jtaanka iyo wada noolaanshaha iyo waliba wada dhaqanka umada muslimiinta ah guud ahaana umad sii jiraysaa aanay jirin hadaan qodobadan shareecadu aanay inoo ilaalin waxyaabahan ama qodobadan ayaa waxaa lagu magacaabaa MAQAAZIDU SHAREECA, waana kuwan iyagoo faahfaahsan iyo iyagoo guud ba.




1. ILAALINTA DIINTA.




2.ILAALINTA NAFTA.




3. ILAALINTA NASABKA.




4. ILAALINTA SHARAFTA.




5. ILAALINTA CAQLIGA.




6. ILAALINTA MAALKA.




1. ILAALINTA DIINTA: diintu waxay lagama maarmaan u tahay iinsaanka ama dadka muslimka ah maxaa yeelay dadku naar iyo ciqaab kama badbaadi karaan diin la,aanteed, guul aduunyo iyo badhaadhe aakhirana lagaadhimaayo ilaa dadku ay rabigood gartaan oo ay rumeeyaan oo caabudaan cibaado badhax tiran iyagoo raacaaya diintooda islaamka.




diin la,aanteed dadku waxay noqonayaan sida xayawaanka oo kale iskaba dhaafoo way ka sii liidanayaa xayawaanka taasina waxaa daliil u aayada 17 aad ee suuratul Acraaf oo si cad u bayaaminaysa arinkan.




diinta islaamku maaha mid la isku khasbo qaadashadeeda oo qofka aan islaamba ahayn lagu khasbi maayo ee waa loo bandhigayaa iyadoo laraacaayo habka asluub wacan leh.




diinta islaamku waa diin nabad galyo oo dhexdhexaad ah mana aha diin dagaal iyo fawdo ama cabsi iyo argagax dadka ku wada.




sida uu ilahay inoogu  cadeeyey aayada 256aad ee suuratul Baqra.




2.ILAALINTA NAFTA: Qodobka labaad ee ay diintu inoo dhawrtay waxaa weeyi NAFTA, taasi oo ah mid ilahay agtiisa sharaf iyo karaamo ka leh.




sababtoo ah Aabeheen Aadam calayhi salaame ilaahay gacantiisa ayuu ku abuuray malaa,igtana waxaa lafaray ianay u sujuudaan duriyadiisana ilahay waa fadilay oo waxaa uu ka gaar yeelay dhamaan makhluuqaadka kale oo dhan.




 




sidaa awgeedbaa ilahay aayada 32aad ee suuratul Maa,ida ku sheegay qofka qof kale xaqdaro ku dilaa waxaa uu ka dhigan yahay qof dadkoo dhan wada dilay qofka qof muslim ah nooleeya ee waxtaraana waxaa uu ka dhigan yahay  qof dadkoo dhan nooleeyay ama wax taray.




 




markale ilahay ayaada 93aad ee suuratul Nisa waxaa uu kaga hadlay qofka qof muslim ah ku dila badheedh ama kas abaal marintiisu waa naarta jahanama waana uu ku waarayaa, ialahayna waa u cadhoodaa waana nacdalaa waxaana loo diyaariyaa cadaab wayn.




sidaasaa diinteenu u ilaalisay nafta qofka muslimka ah.




 




3. ILAALINTA NASABKA: nasabku waa qodobkale oo isna diinteenu inoo ilaalisay sababtuna waxay tahay waa iyadoo ilahay dhiira galinaayo guur xalaal ah oo kuf iyo gayaan leh isla markaana laga fogaado dhamaan xumaanta sinada oo dhan iyo dhaqan xumada labaaba.




waayo nasabku waa shayg aynu kaga duwanahay gaalo waayo iyagu malahan nasab ama abtirsiin iyo taariikh wacan oo dib loo raaci karo nasabku waa shayga sheegaaya asalnimada muslimiinta.




sidaa awgeed ayaa waxaa ilahay inaga xaraan yeelay inaan guursano dumarkan hoos ku qoran ama ku sheegan.




Hooyada, Inantaada, Walaashaa, Edadaa,Habaryartaa,Inanta walaal ka dhalo ama walaashaa dhasho,Sodohdaa, iyo gabadha aad naas wada jaqdeen haday jirto.




waxaa sidaa loo yeelayaana waa in la dhawro ama la ilaaliyo nasabka.




 




4. ILAALINTA SHARAFTA: sharafta ama cirdigu waa wax kale ama waa cunsur kale oo ay diinteenu inoo ilaalisay waayo diinta islaamku waxay ilaalisay oo xafiday sharata qofka islaamka ah waxaanay diiday in qofka islaamka ah meel lagaga dhaco oo la iska caayo waxaanu ahayna lagu sheego naftiisa iyo tan ehelkiisaba, qofka muslimka ahi lab ama dhadig kuu doono ha ahaadee waa ilaashan yahay oo lama caayi karamo alamana xaman karao xumaan aanu lahayna laguma sheegi karo.




 




 




5. ILAALINTA CAQLIGA: caqligu isna waxaa uu kamid yahay waxyaabaha diinteenu sida wayn u dhawrtay una ilaalisay sidoo kale ilahay in badan ayuu kitaabkiisa ku sheegay caqliga nabiguna waxaa uu inooga sheegay ama ina faray inaynaan caqligeena ku doorin dhamaan maan dooriye oo dhan.waana walax macnawi ah oo muhiim ah isla markaana waatan aan xayawaanka kaga duwanahay.




 




6. ILAALINTA MAALKA: maalku sidaan wada ogsoonahay waa waxa noloshu ku taagan tahay dadkuna ku wada macaamilaan maalka la,aantiisana lama helaayo cunto, cabitaan iyo hoy intaba ilahayna aayada 5aad e suuratul nisa ayuu ku sheegay inaan maalkeena aynaan u gacan galin gacan aan aamin ahayn oo aan khasaarin.




waxaa kale oo uu ilahay ina faray inaan malka kula soo baxno sifo kasta oo xalaal ah sida.




beeraha,warshadaha,raacinimada,lasoo bixida macdanta,ugaadhsiga,ganacsiga,iyo meelo kale oo fara badan oo dhamaanteed xalaal ah.




 




sidaa awgeed waxaan leenahay diinteena islaamku waxay u taagan tahay inay ilaaliso dadka muslimiinta ah dhinac kastana ka dhawrto.




 




          W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)