Waxa isku dhacay Gaadhi Qabaal ah oo Ciidanka Madaxtooyadu watay iyo mid shicib leeyahay
Hargeysa(GNA)-Tiro dad ah oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Shil gaadhi oo ka dhacay Waddada Haleeya iyo Hargeysa, kaddib markii ay isku dhaceen Gaadhi Qabaal ah la socday wefti Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay oo ku sii jeeday Magaalada Berbera iyo Gaadhi dad shacab ahi la socdeen.
Shilkan ayaan sababin wax dhimasho ah siday ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha amnigu, balse waxa jira tiro dad shacab ah oo ku dhaawacmay, kuwaasoo aan wali tiro sugan laga haynin.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimo u sheegay in markii labada gaadhi isku dhaceen weftiga Madaxweynuhu hogaaminayay hore u sii socdeen.
Saraakiisha Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurto gelin inaanu helno.
dhamaan dadka dhaawacmay ayaa ah Rayid,hase ahaatee askarta Gaadhiga Qabaalka ah saarnayd wax dhibaato ah ma soo gaadhin, goob-jooge kale ayaa sidaa sheegay.
Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday dhinaca Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Magaalada ku tegay socdaal aan hore loo shaacin.
War kooban oo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu yahay safar khaas u ah Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan socdaal uu ku maray xeebaha Somaliland ku sii jiidhay Magaalada Berbera.
Markii uu ka soo laabtay Socdaalkiisii dawladdu u bixisay Hilaacii Xeebaha, ayaa weftigiisu shilal gaadhi oo dhimasho iyo dhaawac sababay ku galeen waddada isku xidha Berbera iyo Sheikh.
Shilalkaasi waxa ku dhintay nabad-doon caan ahaa oo Gaadhi uu watay la qalimay, waxaana ku dhaawacmay laba wasiir oo xukuumadda ka tirsan, kuwaasoo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo gacan ka jabay.
La soco warkan oo faahfaahnsan goor dhow.