Friday, April 25, 2014

Burco: Xasan Gaafaadhi ku soo dhawoow Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye”


Taageerayaashii Ururka Rays oo Guddoomiyahoodii u Caleemo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye oo uu isutaagay..



Xasan gaadBurco(GNA)-Xaflad lagu taageerayay Musharaxnimada Jagada  Gudoomiye ku xigeenimada Xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi) uu ku dhawaaqay inuu u taaganyahayay Jagadaasi,ayaa lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco.



Xafladan waxa kasoo qaybgalay Siyaasiyiin,Madaxdhaqameed,waxgaradkale,Haween iyo waliba taageerayaal aad u tiro badan oo u badnaa ururkii Rays ee ku hadhay Doorashooyinkii Golaha Degaanka,kuwaasoo  dhamaan dadkaasi aad ugu nuuxnuuxsadeen,taageeradooda iyo siday u barbar taaganyihiin inuu Xasan Gaafaadhi ku guulaysan doono jagada uu u tartamay.



waxaanay Dawlada iyo Xisbiga Kulmiyeba ugu baaqeen inay dhawraan tartanka Xorta ah isla markaana tixgaliyaan xeerarka xisbiga oo ah inaan kooto laga dhigin Bay yidhaahdeen sidii Xisbigaii hanti wadaaga ee siyaad bare.



Siyaasi Aadan Ciise oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay ayaa yidhi''waxaanu halkan isugu nimi inaan taageero u muujino Siyaasi Xasan Gaafaadhi oo ah siyaasi istijaabiyay oo ruug cadaa ah hankiisa cadeeyay oo iska sharaxay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye,waxaanu doonaynaa in la jabiyo waxan la sheegay ee ah inaan kooto lagu xidhin Xisbiga,ma yeelayno inaynu ka qaybgalo xisbigaas oo kooto ah,Xisbigu waa inuu noqdo xisbi Dimuqraadi ah sidii uu Siilaanyo balan qaaday ee uu odhan jiray geedi socdka Dimuqraadiyada,Saaxiibayaal  waanu idinla tartamaynaa hogaan Xisbiga Kulmiyaw,hadii kale waxa uu xisbigu noqonayaa Xisbigii hantiwadaaga Kacaanka ee siyaad barre”.



Aqoonyahan C/laahi Axmed Yuusuf (C/laahi Kobra)  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ''Xasan Gaafaadhi) idiinma Cusba oo waa siyaasi hafto bax ah,hafto baxu waa markuu Siyaasigu Urur furto ururkii ka dhaco natiijadii ku qanco aanu fikirkiisii ka hadhinee Xisbi kale ku biira,maanta waxa uu u tartamayaa Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Kulmiye,shuruucda xisbiga  ayaa dhigaysa,dadkan halkan isugu yimi waxay taageero u muujinayaan xasan gaafaadhi”.



C/risaaq Xuseen Diiriye ayaa isna waxaa hadadiisii ka mid ahaa''Dawlada waxaan leeyahay hala tartamo ee tartanka faragalinya ka daaya, Xisbigana waxaan leeyahay dimuqraadiyadii aad tobonka sanadood nagu wacyi galinayseen  ogolaada,Xasana waxaan leeyahay taageradii Rays ee aad Kulmiye u gaysay waa kuu diyaar,Abwaan Aadan tarabi ayaa laga hayaa Gar hadaan Cid bido Gacal iga jid baxa waxaan Golaha iyo geedka aan u imi,Dadkii loo Go,oow ma garaabaysaan Gobtii loo dhintoow ma abaal Gudaan”.



isaguna waxaa halkaas ka hadlay Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud Eng.Yuusuf Caynab waxaanu sheegay inuu Xasan Gaafaadhi u qalmo jagadan isla markaan uu yahay nin aqoon iyo kartiba leh.C/kariin Yuusuf cabdi(Muraad) ayaa isna sheegay in dhamaan ururkii raysa ee ku biiray Xisbiga Kulmiye ay tageero la barabartaaganyihiin Xasan gaafaadhi.



Caaqil Maxamed Kaarshe,Oday Saleebaan Maxamed Cali,Oday Xuseen Jaamac,Faadumo Awnuux,Aamina Faarax,ayaa iyana dhamaantood ku dheeraaday inaanay Xasan gaafaadhi kal hadhayn taageero waxaanay sheegeen inuu ku guulaysan doono.



Axmed Muuse Maxamed



Gobanimonews



Burco Office