Wixii naga dhexayn jiray rag baa,Daahirow dhamaye,
Dhubuq-dhubuqi waxay soo siddaa, dhabanno haystaase,
Aabigaba dhirbaaxada nabsigu, waa mid aan dhixine,
Dhudhub oodan buu kula gala, dheregga qaarkiiye,
Baarlamaanki dheylaysan jiray, dheehi laga qaadye,
Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,
Ama rag aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,
Soomaali waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye,
Maansada Dhunkaal, 1970kii ee Timacadde,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
3/4/2014ka, Hargeysa,
Ereygan ‘Soomaaliyeed’, marka aynu xagga Naxwaha ama Qawaacidka Soomaaliga ka eegno waa Tilmaame. Isirkiisu wuxu ka imanayaa ereyga Soomaali oo ah magac ay wadaagaan dad ku abtirsada Soomaali oo badiba dega Geeskan Afrika. Ereyagani wuxu raacaa wax kasta oo ay Soomaalidu wadaagto, markaas ayuu waxaasi noqonayaa wax Soomaaliyeed ama ay Soomaalidu leedahay.
Tusaalayaal nool waxa inoo noqonaya marka magacyada aynu tixi doonno lagu ladho ‘Tilmaamahan’. Afka Soomaaliyeed, Fanka Soomaaliyeed, Dhaqanka Soomaaliyeed, Hiddaha Soomaaliyeed iyo wax badan oo kale oo aad idinkuba iska garan kartaan. Tusaale ahaan, qormadan waxaynu astaan ugu soo qaadannay Barkinka oo ah agab Soomaaliyeed oo la wadaago. Laga yaabaa in dhaqammo kale oo Afrikaan ahi ay iyaguna leeyihiin Barkinka.
Waxa aynu kor ku soo taxnay waa waxyaabaha ay Soomaalidu wadaagto, iyada oo laga yaabo in waxoogaa aan badnayn oo kala-duwanaansho ahi ku jiri karo marka aad gobol ka tagto ee aad gobol kale u tallowdo.
Wadaaggan waxyaabaha qaarkood la wadaagayo ee la raacinayo tilmaamaha ‘Soomaaliyeed’, waxa jira oo lid ku ah wax ay Soomaalidu leedahay meel kasta oo ay joogtaba oo aan la wadaagin. Aqoontayda gaaban, waa wax keliya oo aan wax labaad lahayn. Waxa jira degello ama gobollo Soomaaliyeed oo ay ku dhaqan yihiin dad Soomaaliyeed oo leh maamullo kala geddisan oo aanay wadaagin. Sidaa darteed ayaanay maamulladaasi u noqonayn maamullo Soomaaliyeed bal se ay u noqonayaan qaar u gaar ah hadba maamulka iska leh ee ay ku suntan yihiin.
Dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya dad Soomaaliyeed ayaa ku dhaqan. Waxay sheegtaan Soomaalida Itoobiya oo ay ku saxsan yihiin. Waa laba abtirsiimo oo is-barkan oo tilmaan fiican oo aan la xadi karin sugaya. Jamhuuriyadda Jabuuti waxa deggen oo ku nool dad Jabuutiyaan ah. Qayb dadkaas ka mid ah ayaa Soomaali ah. Iyaguna waxay noqonayaan Jabuutiyaan Soomaali ah. Gobolka woqooyi-bari ee Kenya waxa ku dhaqan dad Soomaaliyeed. Waxay isu yaqaanniin Soomaali, Kiiniyaan ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku nool dad Soomaaliyeed, waxaanay isu yaqaannaan Reer Somaliland. Dalka Soomaaliya oo ah inta aanay ka talin bal se u suntan Dawladda Federaalka ah, waxa ku nool dad Soomaaliyeed, waxaanay noqonayaan reer Soomaaliya ama Soomaalida Soomaaliya.
Soomaaliya waxa ka jira Dawlad-goboleedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Puntland, Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb, Jubba Land, Koonfur-galbeed iyo qaar kaleba. Intaba Soomaalida deggeni waa reer Soomaaliya.
Waxyaabaha aad la yaabayso waxa ka mid ah mararka TVyada uu HCTV ka mid yahay sheegayaan Puntland ee ay odhanayaan: “Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.” Hadda iyagu marka ay hadlayaan waxay sheegtaan oo keliya Maamul-goboleedka Puntland. La iskuma diiddana in uu maamul-goboleed yahay. La iskuma diiddana in uu magaciisu Puntland yahay. Waxay se is-weydiintu tahay marka iyo halka ay Soomaaliyi ku wada yeelatay. Waa maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, xaqiiqaduna ay tahay in la yidhaahdo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Marka aad dhinaceenna eegto ‘Soomaaliyeed’ waxaynu u fahmaynaa waxaas ay Soomaalidu wadaagto ee aan ahayn dawladnimada iyo maamulka. Maamul Soomaali mideeyaa ma jiro. Haddaba waxa jirta oo dulucda qormadani ay tahay in waxan innaga inoo ah ereygu uu Muqdisho iyo dalka Soomaaliya ka yahay xanuun dadka ku dhaca, sidaana uu iska ahaan jiray. Ceebtood ma aha ee waa caadadood oo magaca ummadda Soomaaliyeed ayaa horena loogu adeegtay, maantana la doonayaa in lagu adeegto oo lagu kufsado qarannimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ee meel walba joogta. Beryahan dambe qurbo-jooggii oo sida jirjirroolaha u midabbaynaya ayaa iyaguna soo kordhay e’.
Turkiga ayaa Dugsi ka dhisaya Xamar. Maalinta la furayo ayaad waxaad shaashadaha ka daawanaysaa madaxda meesha ka hadlaysa oo leh: “Waa Dugsi ay ardayda Soomaaliyeed wax ku baran doonto.” Hadda magaalada Muqdisho ayaa kala qaybsan oo aan isu tallaabi karin, markaas ayay ka hadlayaan Dugsi halkaas ku yaal oo ardayda Soomaaliyeed wax ku baran doonto. Qoodhiin iyo xeradiin halkee ayay ardayda Soomaaliyeed ka soo gaadhaysaa?
Waxay ka hadlayaan dawladda Soomaaliyeed. Oo yay dawlad u tahay ma Soomaali oo dhan mise Soomaaliya dadka ku nool oo aynu og nahay in aanay jirin dawlad wada maammushaa. Xamar ayaanay ka wada talin oo lagu haystaa. Waxaad maqlaysaa Culimada Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed, Dhallinyarada Soomaaliyeed, Fannaaniinta Soomaaliyeed, Qurbo-joogga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga ee Soomaaliyeed, ma wadi karayo e’ qaybta aad doonto bulshada ka soo qabso oo raaci uun Soomaaliyeed. Bal tabaalahaa daya. Yaa iyaga ku yidhi Soomaali ayaad mas’uul ka tihiin. May isku koobaan inta yar ee ay weliba kari la’yihiin in ay maamulaan.
Waa xanuun dadka ku dhaca oo ka mid ah qaybta jirrooyinka ee Madaxa dadka kaga dhaca. Nidaamkii millateriga ahaa ayaa magaca Soomaaliyeed dal iyo dadba ku burburiyay. Nidaam qabaliya oo digtaatooriyad millateriya ayuu ahaa. Haddana wuxu sheegan jiray ‘Soomaaliyeed’. Rag baa weli damacaasi hayaa oo aan weli iimansan inta yar ee Ilaahay baday ee kaga soo hagaagtay degellada Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay candhuuftiinna dib u liqa, wixii beryo qaar jiray soo noqon maayaan oo waa tii la isu dacareeyay e’, Soomaaliyi si ay u noolaato, waa in ay kala noolaataa.
Aan ku soo geba-gebeeyo: “Inta miciinka iyo maganta moodda ku-celcelinta tilmaamaha ’Soomaaliyeed’, sida ay jecel yihiin ayaa been ah.”
Dhammaad. Waa inoo Qormada 9aad haddii Eebbe idmo.