Thursday, April 24, 2014

Saleebaan Xagle-toosiye Wasiir ka Seexday Hawlihii Loo Igmaday


Hargeysa(GNA)- wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xagle’toosiye oo hore u ahaan jiray Hogaamiyahii Kooxdii nabad diidka ahayd ee SSC la’magac baxday, ayaa wada-hadal kadib uu Dr. Xale’toosiye kula yeeshay Kulan Magaaladda Dubai Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaas oo Xagle-toosiye loo magacaabey Wasiir ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne AXMED Siilaanyo, iyadoo loo Magcaabey Wasiirka Dibdajinta Somaliland inyar kadib waxa uu Madaxweyne AXMED Siilaanyo uu u magacaabey Dr. Saleebaan Ciise Xagle’toosiye wasiirka Caafimaadka oo uu imika shaqadiisa uu hayo.




xaglo22




Wasaaradda Caafimaadka Somaaliland oo ka mid ah wasaaradaha ugu shaqadda badan marka la’eegaayo baahida ay Bulsha weynta Reer Somaliland u qabaan helista Adeegyo Caafimaad. Waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii diciifaaya Adeegyadda Caafimaad ee Goboladda Somaliland, tan iyo intii uu xilka la’wareegay Wasiir Xagle’toosiye. Waxa ay ahayd Muddo ka hor markii albaabada loo xidhay Xarunta Caafimaad ee Magaaladda Caynaba halkaas oo ay dadweyne badan oo u baahan adeega caafimaad ay ku nool yihiin, magaaladda Caynaba oo ah caasimadda Gobolka Saraar, waxa Xarun Caafimaad ugu dhaw magaaladda Burco oo u jirta 130KM. Wasiir Xaglo-toosiye oo gabi ahaanba ku soo koobey Shaqaddii wasaaradda Adeega Talaalka oo dhaca Bil walba laba Jeer iyadoo uu Mashruucani noqday mid ay Haa’yadaha samafalku ay ku bixiyaan lacag fara badan sida Haa’yadda UNICEF. Waxa Dayac badani ka Muuqdaa Dhakhtarka weyn ee Caasimadda Hargeysa, iyadoo ilaa imika aanu soo gaadhin Dhagaxii Casaa ee Calaamadda u ahaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa sii naaqusaaya Adeegyaddii Caafimaad ee Dhakhtarka Weyn Hargeysa.




Waxa khilaaf weyni ka jiraa wasaaradda Caafimaadka oo uu horjooge ka yahay Wasiir Xagle’toosiye iyadoo khilaafkaasi uu u dhaxeeyo Wasiirka iyo kuxigeenka oo mageecadda la’yidhaahdo Marwo Nimco Qawdhan.




Waxa uu gaabis badan ka sameeyay Hawlihii nabadaynta ee Gobolka Buuhoodle iyadoo Maamulka Putland dadyaw taageersani ay maalin walba ku qabsadaan shirar ku lid ah Madaxbanaanidda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu Wasiir Xagle’toosiyte uu gaabis badan ka sameeyay la’xidhiidhka Isamadda Beeshiisa isagoo meesha uu ka maqan yahay doorkiisii uu ku lahaa soo xero-galinta Garaadyadda iyo Suldaamadda Beeshiisa. Wasiir Xagle’toosiye oo inta badan ka maqan waddanka Gudahiisa ayaa ah wasiir ka seexday labadii Dhinac ee Bulshaddu filaysay in uu si wanaagsan uga hawl-galo, waa dhanka caafimaadka oo ah shaqo uu bartey iyo dhanka Nabadeynta oo uu Muddo Badan horjooge ka ahaa Jabhaddii la’magac baxday SSC.




Wasiir Xagle’toosiye waxa uu ka maqnaa soo dhaweyntii Garaad Ismaaciil Garaad Jaamac oo ah Garaadka Guud ee Beesha Gobolka Sool iyo Buuhoodle, isagoo ka wasiirku Ka Duday Caydhintii ay kuxigeenkiisu ku sameesay Dr. Macaw oo uu wasiir Xagle’toosiye siiyay Liisanka Ogolaanshiyaha ee Wasaaradda Caafimaadka.




Somdaily News Desk// Hargeysa Office