Dhisidda Islaamka Dhabar-jabinta reer galbeedka Iyo Dhoy la’aanta dhalinyarta.. W/Q XAMSE M CUMAR KUJOOG
Ishu waxay ilmaysaa .. qalbigu wuxuu murugoodaa .. jidhkuna jidhidhicooda markay dhaayahaagu arkaan wiilal iyo gabdho dhalinyaro Islaam ah dhaqankooduna ka fogyahay kii Islaam iyo kii dhaqanba.
Meelaha dhalintu ku kulanto markaad joogsato .. Baraha Intenetka ee lagu kulmana aad indho-indhayso waxaad badanaa ku arkaysaa dhalinta oo ka doodaysa waxaan waxba uga shan iyo toban ahayn.
sida Siyaasad madhalays ah.. ciyaaro iyo gaal adduunka dabadiisa jooga oo aan waxba u ogayn.. inan meel ka heestay iyo inankii heesta la qaaday iwm.. Kolkaasay naftu is waydiinaysaa tolow dhalinyartani xagay u socotaa musyaqbalku se muxuu u qarinayaa
Milicsiga taariikheed iyo weerarka ku wajahan dhalinta
Kadib markii ay burburtay dawladdii u danbaysay ee Islaamku 1924 kadib markii uu dhacay Suldaankii u danbeeyey ee dawladda cismaaniyiinta oo fadhigoodu ahaa dalka turkiga
Kadib markii Muslimiintu ay waayeen oo ay tabeen xukunkii Islaamka.. waxa dhaqdhaqaaq xoogan bilaabay awoodo dibada iyo gudahaba ah oo habeen iyo maalin ka shaqaynaya sidii ay Islaamka uga tirtiri lahaayeen maskaxda dadka dhalinyarta ah oo iyagu ah jiilka cusub ee soo koroya una soo socda islaamka waxana ay isku dayayeen in ay Rumaynta Islaamka shaki ka galiyaan.. Shaqada iyo kartidana ay iska fadhi iyo shaqo la,aan ugu badalaan.. Akhlaaqdana ay ka burburiyaan oo dad xoolaha oo kale ah oo aan fakarin ay ka dhigaan
Waxa ugu waawayn awoodaha dagaalkaas dhalinta kula jira
Gumaysi iyo gaalaysiin (ha ugu badnaadaan fulinta haayadaha ay soo dirteen)
Hanti wadaag caalami ah
Yuhuudnimo cadaawad badan
Kiristan dagaal qaawan wada
Kuwo u shaqaynaya gaalka
Hadaba si aynu u ogaanno sida uu islaamku u diyaariyay dhalinyarada si ay uga hortagaan dagaalkaas ba,an ee lagula jiro ayaynu is waydiinaynaa suaalo ah
Waayo dhalinyaro?? Da, intee leeg ayaa lagu sheegi karaa dhalinyaro??
Dhalinyaradu waa lafdhabarta ummadaha .. ummadna jiritaankeeda waxa laga qiyaasaa kolba dhalinta usoo kacaysaa inta ay leegtahay
Da,da lagu qiyaasi karo dhalinyaro waxay culimadu ku sheegaan 15-40 sano qaarkoodna waxay gaadhsiiyaan ilaa 50jir
Dhalinta iyo diyaarintii Rasuulka SCW:
Wajigii koowaad ee Islaamka ciddii diinta qaaday ee meel walba gaadhsiisay waxay ahaayeen dhalin yaro
Nabiga waxa lasoo diray isagoo 40sano jira
Abubakar wuxuu islaamka qaatay isagoo 37sano jira
Cumar waxa uu islaamay isagoo 26sano jira
Sacad bin abii waqaas wuxuu ku islaamay 17jir
Subayr ibnu cawaam isna 16jir
Waxaan la iloobi karin wiilka 17jirka ee ciidamadii islaamka hogaaminayay dhimashadii rasuulka ka hor Usaama bin zayd iyo qaarkaloo badan
Waxa iyaduna lagama maarmaan ah in la xuso talooyinka gaarka ee uu Nabigu SCW la daba joogay ummada in nasiibka libaaxa ay ka qaateen dhalintu sida:
Diyaarinta dhanka cibaadada iyo ku xidhnaanta Allah wuxuu Nabigu SCW sheegay 7da qof ee qiyaamaha hadhka rabbi maalin aan hadh kale jirin hadhsan doona inuu ka mid yahay qofka dhalinyarta ah ee ku kora cibaadada Ilaahay
Ka faaidaysiga waqtiga iyo ka midho dhalinta jaanisyada waxa Nabigu SCW tibaaxay “Ka faaidayso dhalinyarnimada ka hor inaatanad gaboobin”
Ilaalinta dhalinta iyo dhufays galintooda si ay akhlaaqdooda iyo dadnimadoodu u sugnaato dabaylaha dhacayana ay uga badbaadaan wuxuu Nabigu SCW talo kusiiyay inay guursada isagoo leh “Dhalinyarooy qofkii karaya inuu guursadaa ha guursado”
In dhalinyarnimadu tahay wax la iswaydiin doono iyo masuuliyad suaali ka danbayso maalinka lama huraanka ah oo suaalaheeda ay ka mid yihiin “Dhalinyarnimadaadii maxaad ku gaboojisay”
Gun iyo gabagabo
Dhalinyarooy dagaalka inagu wajahani aad ayuu u ba,an yahay ee aynu galno diyaargaraw iyo tabaabulshe aynu kaga hortagayno dagaalkaas iyo weerar celin liddi ku ah weerarka inagu qasaya.. diyaargarawgaas oo ay ka mid yihiin
In Ilaahay la rumeeyo laguna kalsoonaado
In waqtiga looga faaidaysto wax adduun iyo aakhiraba afac inoo leh
In la doorto saaxiibbo suubban oo inagu gargaara hawshaas barakaysan
In hammi horumarineed la yeesho
In ku dayasho laga dhigto dadkii hore ee adduunka wax kusoo kordhiyay
In qofka dhalinyarta ahi lahaado kalsooni uu naftiisa ka qabo oo uu ku meel maro
Warku wuxuu ku idil yahay
Toos oo hurdada ka toos
Toos oo wadada saxda ah ku toos
Toos oo hansare u toos
Ilaahay xaqqa hayna garansiiyo.. Awoodaha dhalinyarnimo ee inaga dayacmayna ilaahay haynoo soo uruuriyo
W/Q XAMSE M. CUMAR KUJOOG