Dad badan ayaa Maayirka ku sugayay Hoolka Shirarka oo uu ka baaqday furitaanka Kal-fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa, xafiisyo kale ayaa cidla ahaa.."GNA
Hargeysa(GNA)-Khilaaf ayaa maalmahan ka dhex asloosnaa Maayirka, Maayir ku-xigeenka iyo Xoghayaha Dawladda hoose ee Hargeysa.
Si rasmiya looma oga waxa uu ka dhashay Khilaafkan oo saameeyay habsami u socodkii shaqada Xafiisyadda saddexda Masuul, hase ahaatee ilo-wareedyo Gobanimo heshay ayaa tibaaxaya inuu ka dhashay Shaqaalle Dab-damis dawladda hoose loo qaatay iyo arrimo kale oo shaqada dhexdeedda ah uun uu ka dhashay.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo saaka booqday xarunta dawladda hoose ayaa la kulmay dadweyne tiro badan oo halkaasi ku jactaday intii Khilaafka masuuliyiintu socday.
Inkasta oo wararka qaar sheegayaan in xubnahan qaarkood khilaafkoodu meel adag oo gacan ka hadal ku dhawaaday gaadhay, hadana sida aanu wararka ku helnay murankaasi ayaa lagu guulaystay in la shiiqiyo ama la dejiyo, kaddib markii xubno ka mid ah Golaha Deegaanka iyo dad kale soo dhex galeen.
Khilaafka xogyaha iyo Maayirka ayaa warar ku dhadhow labada dhinacba sheegeen in la xaliyay saacadihii la soo dhaafay.
Wariyeyaal badan ayaa saaka ku soo uruuray xarunta dawladda hoose kuwaasoo isku dayay inay masuuliyiinta wax ka waydiiyaan sababta Khilaafkooda iyo inay xaliyeen.
Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa Xafiiskiisa laakiinse kamuu hadal arrinta khilaafka iyo dib u dhac ku yimi Kal-fadhigii Golaha Deegaanka ee labaad oo maanta furmi lahaa.
Xoghayaha fulinta iyo Maayir ku-xigeenka ayaa Xafiisyaddooda ka maqnaa xiliga ay Wariyeyaashu ku xoomsanaayeen Xafiisyadda Madaxda dawladda hoose.
Dad badan ayaa Maayirka ku sugayay Hoolka Shirarka ee Golaha , kuwaasoo sugayay kulan todobaadle ah oo Maayirku la yeesho bulshada Maalin kasta oo Arbaca ah.
Xiliga ay sugayeen ayaa ahaa goor dambe oo Adimaadii duhur ku dhaweyd, laakiinse waxay sheegeen inay raali ka yihiin wakhti kasta oo kaga luma intay sugayaan.
“annagaa ka raali ah innaanu sugno, laakiinse waxa noo muhiim ah kulankiisa”ayay gobanimo u sheegtay Hooyo ka mid ah dadkaasi oo File-gacmeed nooca Waraaqaha lagu rito ah gacanta ku sidatay.
Xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa oo sanad iyo badh wakhti ku dhow haatan Kuraasta fadhiya ayaa lagu dhaliilaa inay carqalad joogto ah ku hayaan hawl-gudashada Maalinleha ah ee Guddoomiyaha iyo labada masuul ee ka hoose, kuwaasoo ay inta badan shirar khaas ah shaqada kaga mashquuliyaan xildhibaanaddu.
Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa ah Nin Dhalinyaro ah oo haysta fursaddo badan iyo wakhti uu kaga baaraan dego, isla markaana fulintooda hormuud ka noqdo Mashaariic tiro badan oo Caasimadda lagu horumarinayo.
Laakiinse khilaaf wada shaqayn la’aaneed oo soo kala dhex gala Xildhibaanadda iyo xubnaha kale ee Maamulka, ayaa hadaanay iska ilaalin, kana taxadirin dhamaan dhinacyada xayndaabka shaqada ku wada jiraa sababi kara dib u dhac iyo gol-dalloolooyin baaha oo sumcad ahaan iyo siyaasad ahaanba wada saamaynaysa Golaha la doortay iyo maamulkooda.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com