Thursday, April 24, 2014

WASIIRU DAWLAHA WAXBARASHADDA IYO TACLIINTA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDOONSIIYAY DUFCADII SADEXAAD EE KA QALIN JABISA


10155455_10203437886578135_4930596624067196549_n[1]DUFCADII SADEXAAD OO KA QALIN JABISAY JAMACADDA ALPHA EE LAANTA BERBERA




Xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen arday ka qalin jabisay jamacadda ALPHA University ee magaaladda Berbera ee gobolka saaxil ayaa lagu qabtay Hotel barwaaqo xafladdan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirku-dawlaha waxbarashadda JSL, mudane Ahmed Nuur Faahiye, gudoomiye ku xigeenka gobolka, Khadar Mohamed Elmi maamulaha kastamka berbera, maamulaha shirkadda somtel ee saaxil. hadaba waxa halkaas ka hadlay ugu horayn gudoomiyaha jamacadda ALPHA Cabdirahman Mohamed maal, wuxuuna sheegay in jamacadda Alpha University College oo ah jamacad gaar loo leeyahay isla markaana xarumo kala duwan ku leh gobolada jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, iyo Berbera, ahna mid ka mida jamacaddaha ugu waawayn dalka, inay tahay jamacad bixisa heerar aqooneed oo kala duwan oo ay ka mid yihiin cafimaadka, engineering-ka, computer-ka, sharciga, maamulka, ganacsiga, xisaabaadka, dhaqaalaha, iyo daraasaadka horumarineed, maamulka baananka iyo maalgalinta ku dhisan dhaqaalaha Islaamka, iyadda oo jamacadda hadafkeeda ugu wayni yahay sidii aqoonta ay bixinaysaa ay u noqon lahay mid tayo leh isla markaana, wadanka iyo gayiga bariga Africa wax wayn ka tarta, wuxuu gudoomiyaha jamacadda ALPHA u mahad naqay ardaydii qalin jabinaysay wuxuuna kula dardaarmay inay uga fa’iideeyaan wixii ay barteen bulshadda, isla markaana ay sii wataan waxbarashadooda, wuxuu kale oo u mahad naqay bulshadda reer Barbara oo uu sheegay inay yihiin dad aqoonta jecel taasna aad ka dheehan karto sida ardaydu siday uga fa’iidaysteen waxbarashaddii.




 




Waxa isaguna halkaas ka hadlay Ahmed Abdi Esse oo ah madaxa jamacadda ALPHA university laanteeda Berbera, wuxuuna sheegay in tiradda ayrdayda ee qalin jabisay ay barteen culuumta maamulka iyo xisaabaadka, waxwayna ay ka tari doonan xarumaha dawladda iyo kuwa dadwaynahaba ee heer degmo iyo heer gobol.




 




Waxa isaguna halkaas ka  hadlay wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ahmed Nuur Faahiye wuxuuna ku dheeraaday waxbarashadu qiimaha ay leedahay wuxuuna sheegay inay ardayda qalinjabisay waxbadan tari doonaan gobolka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna u mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta jamacadda ALPHA University, gaar ahaan xarunta ay ku leedahay magaladda Berbera ee gobolka saaxil. Wuxuuna ugu danbayntii gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal marino ardaydii qalin jabisay. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay arday, macalimiin, waalin iyo xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha iyo maaliyadda.DUFCADII SADEXAAD OO KA QALIN JABISAY JAMACADDA ALPHA EE LAANTA BERBERA




Xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen arday ka qalin jabisay jamacadda ALPHA University ee magaaladda Berbera ee gobolka saaxil ayaa lagu qabtay Hotel barwaaqo xafladdan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirku-dawlaha waxbarashadda JSL, mudane Ahmed Nuur Faahiye, gudoomiye ku xigeenka gobolka, Khadar Mohamed Elmi maamulaha kastamka berbera, maamulaha shirkadda somtel ee saaxil. hadaba waxa halkaas ka hadlay ugu horayn gudoomiyaha jamacadda ALPHA Cabdirahman Mohamed maal, wuxuuna sheegay in jamacadda Alpha University College oo ah jamacad gaar loo leeyahay isla markaana xarumo kala duwan ku leh gobolada jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, iyo Berbera, ahna mid ka mida jamacaddaha ugu waawayn dalka, inay tahay jamacad bixisa heerar aqooneed oo kala duwan oo ay ka mid yihiin cafimaadka, engineering-ka, computer-ka, sharciga, maamulka, ganacsiga, xisaabaadka, dhaqaalaha, iyo daraasaadka horumarineed, maamulka baananka iyo maalgalinta ku dhisan dhaqaalaha Islaamka, iyadda oo jamacadda hadafkeeda ugu wayni yahay sidii aqoonta ay bixinaysaa ay u noqon lahay mid tayo leh isla markaana, wadanka iyo gayiga bariga Africa wax wayn ka tarta, wuxuu gudoomiyaha jamacadda ALPHA u mahad naqay ardaydii qalin jabinaysay wuxuuna kula dardaarmay inay uga fa’iideeyaan wixii ay barteen bulshadda, isla markaana ay sii wataan waxbarashadooda, wuxuu kale oo u mahad naqay bulshadda reer Barbara oo uu sheegay inay yihiin dad aqoonta jecel taasna aad ka dheehan karto sida ardaydu siday uga fa’iidaysteen waxbarashaddii.




 




Waxa isaguna halkaas ka hadlay Ahmed Abdi Esse oo ah madaxa jamacadda ALPHA university laanteeda Berbera, wuxuuna sheegay in tiradda ayrdayda ee qalin jabisay ay barteen culuumta maamulka iyo xisaabaadka, waxwayna ay ka tari doonan xarumaha dawladda iyo kuwa dadwaynahaba ee heer degmo iyo heer gobol.




 




Waxa isaguna halkaas ka  hadlay wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ahmed Nuur Faahiye wuxuuna ku dheeraaday waxbarashadu qiimaha ay leedahay wuxuuna sheegay inay ardayda qalinjabisay waxbadan tari doonaan gobolka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna u mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta jamacadda ALPHA University, gaar ahaan xarunta ay ku leedahay magaladda Berbera ee gobolka saaxil. Wuxuuna ugu danbayntii gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal marino ardaydii qalin jabisay. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay arday, macalimiin, waalin iyo xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha iyo maaliyadda.