Friday, April 25, 2014

Guddoomiyaha Bangiga Soomaaliya oo la ansixiyay iscasilaadii Yusur Abraar kaddib


Golaha Wasiirrrada oo go’aan ka gaaray Maamul u samaynta  Gobollada iyo degmooyinka dalka, markii ay ansixiyeen Bashiir Ciise Cali kaddib..”




CEHIFMuqdisho, April 24, 2014(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa.




Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray, dooddo todobaadkanba socday kaddib.




Kaddib markii uu goluhu dhegeystay soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda isla-markaasina uu dood ka yeeshay, ayuu isku raacay ansixinta soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ku aaddan in xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya loo magcaabo Bashiir Ciise Cali, halka guddoomiye ku-xigeenna loo magcaabay Maryam Cabdullaahi Yuusuf.




Reysal-wasaaraha dawladda Federaalka Somaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed oo hadlay ansixinta ka dib ayaa yiri “ Aad ayaan ugu riyaaqsanahay go’aanka goluhu ku meelmariyey guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.Bangiga dhexe waxa uu astaan u yahay maaraynta dakhliga dowladda iyo daah-furnaantooda.Waxaan filayaa in qorshaha dowladda ee abuuritaanka hay’ado dhaqaale oo shaqaynaya oo la’aamini karo ay wax ka tari doonto dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku soo celiso sharafteedii” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.




Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday samaynta maamulada goboolada iyo degmooyinka dalka. Golaha ayaa isku raacay in wasaaradda arrimaha guduhu ay u xilsaaran tahay fududaynta samaynta maamulada.




 “Goluhu waxay aad uga doodeen samaynta maamulada iyagoo garwaaqsaday xaaladaha goobaha la xoreeyey iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in maamulo loo sameeyo goobahaasi dhowaan la xoreeyey iyo kuwa kale ee la xorayn doono




 “Golaha wasiiradu waxa uu go’aamiyey in wasaaradda arrimaha gudaha ay u xilsaaran tahay sahlidda maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo soo-jeedinta u soo bandhigaysa golaha wasiirada oo markaa go’aan ka qaadanaya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.




Guddoomiyeha Bangiga dhexe ee Somaliya ayaa dhawaan la magacaabay, kaddib markii ay sanadkii hore jagadaasi iska casishay Yusur Abraar oo muddo aad u kooban xilka haysay.




Yusur Abraar ayaa iscasilaaddeeda ku sababaysay culays kaga yimi kooxo ay ku tilmaantay inay isu bahaysteen dhaca Hantida umadda, khaasatan sidii ay u maamuli lahaayeen lacaga deeqaha ah ee waddanka loogu yaboohay.




Iscasiladdeeda ayaa saameyn ku yeelatay habsami u socodka Hay’adaha dhaqaalaha ee dalka iyo deeqaha ay dawladdu dibada ka hesho, kaddib markii shaki weyni ka dhashay habka loo maamulo iyo cida maamusha lacagta adag ee dawladda loogu deeqo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com