Waa wiil dhalinyaro ah.. waa bulshaawi asxaab badan.. waa halaasi sheeko macaan
Goobtu waa magaalo dadkeedu kooban yahay hase ahaatee bulshada ku nool intooda badan way is yaqaanaan.. wuu asxaab jecel yahay saaxiib usoo kordha mooyee saaxiib kama lumo
Wuxuu igu yidhi isagoo saaxiibkii ka sheekaynaya:
“Waxaanu asxaab ahayn muddoo aad u dheer.. waan qaddarin jiray waan ixtiraami jiray.. soomali ayaa hore u tidhi carrab iyo labadiisa daan ayaa isugu dhaw oo iyaguna way is qaniinaane mararka aan wax isku khilaafno waxaan jeclaan jiray inaan anigu dusha u rito si aanan isaga u waayin
Dhibkuse wuxuu ka dhacay isagu iima oga .. ima qaddariyo.. ima ixtiraamo.. waxa intaa ii dheer canaan iyo maag iyo cadho joogto ah.. aniga iyo neef adhi ah oo tuulada ku nooli hadaanu is qabanno neefka adhiga ah ayuu iisoo raacaa qaladkana aniga ayuu i saaraa waanan u dulqaadan jiray
Waxay sidaa ahaataba maalinbaan nin meel ka hadlayay waxaan ka faaiday Saaxiibadu waa saddex nooc
1. Mid sida cuntada ah oo waqti kasta aad u baahan tahay
2. Mid sida dawada ah oo waqtiyada qaarkood uun aad u baahan tahay
3. Mid cudur ah oo Ilaahay ayaabad ka magan gashaa
Anigoo aad uga xun saaxiibkay wuxuu ku biiray qaybtan u danbaysa oo waxaan ogaaday inaanan u baahnayn.. anigoo ay aad iigu adagtay inaanu kala soconnaa ayaan haddana goaansaday inaanu kala dhaqaajino oo aan ku idhi:
“Qassab maaha jacaylkuye Waa hadaad qasdidaa
Qaddar dhacay ka hadal male
Qiimayntu aadmiga qofna hada lamay dhalan
Saaxiibtinimadii dhexdiiniyo naf wada qaybsigeenii
Haddaad adba qubayso qof qaaliya waa la waayaa
Qudhayduna samirkay taqaanaa”
Sheeko intii saaxiibkay ii sheegayay aan aad uga qiirooday
Ilaahoow asxaabta is jecel isu dhawr
Mahad allah ayaa iska leh