Thursday, April 24, 2014

NIN 10 SANNO MADAX-XANNUUN LA DAWAKHSANAA OO MASKAXDIISA LAGA HELAY DHAGAX


download (17)Nin u dhashay dalka Brazil oo 10 sanno la il-darnaa madax-xannuun saayida iyo aragtida indhihiisa oo diciifa, ayaa aakhirkii dhakhaatiirtu maskaxdiisa ka dhex heleen dhagaxaan ka samaysan macdanta loo yaqaan kaalshiyamta (Calcium-ta).




 




Dhagaxaantan waxay sababeen in ninkan madax-xannuun la soo dariso, aragtida indhihiisuna diciifaan, waxaana marar badan dhakhaatiirtu dawooyin u siiyeen maskaxda xannuunta, balse dawooyinka la siiyey waxba way u tari waayeen, waannu ka sii daraa.




 




Aakhirkii waxa maskaxda laga mariyey kombuyuutar (CT scan) muujiyey dhagaxaanta Calcium ah ee maskaxda kaga jira, gaar ahaan goobta maskaxda uga masuulka ah araga sida lagu daabacay mareegta caafimaadka ka faaloota ee Livescience.




 




Ninka u dhashay dalka Baraziil, waxa ugu dambayntii ku dhacay xannuunka la yidhaa Coeliac Disease,kaasoo sababa in hab-dhiska difaaca iyo faytamiinada la yidhaa Gluten ee laga helo qamadidu noqdaan qaar aan waxba tarin, gaar ahaan qofka qaba xannuunkan waxa dhaawac ka soo gadhaan mindhiciraha yar, jidhkuna waxa uu joojiya inuu nafaqada soo nuugo.




 




 




 




Dhakhaatiirta ninkan baadhay waxay ku dawaynayaan Jaamacada São Paulo ee dalka Baraziil, iyagoo sheegay in cudurkan ku dhacay keenay in maskaxda dhagaxaantan fadhiistaan.