Tuesday, April 22, 2014

Xirsi Waa Habaar Qaran?


Xirsi Waa Habaar Qaran maaha halayay qaran…! by: Ilkacase




xisriDad badan ayaa  qoraalku iyagoon lahayn aqoon dhex gelaya, taasi oo ku kelifaysa inay buubuuniyan beenta ay xukuumaddu la wareegayso.




Wasiir Xirsi waa halyay qaran, ninkan qoray  (Khadara Ibraahim) xagee ayuu wax ka eegayaa ma shirarka istuska ah ayuu ku qiimaynayaa mise waa isku qabiil, mise wuxu eegayaa shilimada uu u tuurayo.




Marka aad bulshada wax u gudbinayso waa inaad dhex noqoto waxaad leedahay Xirsi lagu murmimaayo inuu karti leeyahay, adiga iyo inta kula fikirka ah weeyaan, laakiin bulshada badankeedu waxay u yaqaana nin adeegsanaya awoodii dawldnimo, oo siduu doono u isticmaalo.




Waxaad sheegtay in wasiiradii ka horeeyay aanay waxba ka qaban wasaaradda, taasi waa beenta, sababta keentay in aan magcooda aad loo maqal waxay ahayd waxa keliya ee ay qaban jireen waa hawshii ay qaranka u hayeen, ee may ahayn inay isticmaalan awoodo kale.




Weli wasiir Xirsi la mahayo wax si rasmi ah loogu xusuuto oo uu bulshada u qabtay, wadooyinka aad la wareegasyo waa kuwo uu dano gaar ah ka leeyahay, oo isagu uu ka dhigtay mashruuca shaqo.




Haddaan doonaysid Xirsi inaad waxa laga aaminsan yahay ogaato waxaad tagtaa fagaayarayaasha lagu akhriyo wargeysayad subixii  ee Nasiib, tan u  Cadaani ka soo horjeeda, Saldhiga dhexe iyo dhamaan meelaha bulshadu isugu timaado.




Beryahan waxa soo baxay kuwo qalin duurayaal oo ka aradan qoraalka oo amaan aan la raacin cadayn ku dhawaaqaya, sida ninkan Khadar ibraahim isku sheegay.




Waxa kuu wanaagsan inaad amaanta xad dhaafka isku hubiso ee aad siisay Xirsi oo aan waxba bulshada u qaban wax dantiisa ah mooyee, adigu side ayaad ku qiimaysay. Muwaadinku waxa uu eega dalkiisa iyo dadkiisa oo kii aan waxtar lahayn ma amaano.  




Xirsi waa habaar qaran ee mahaa halayay qaran.




Waxa qoray : Cali Ilkacse




BA Economist




 




asan Yusuf (Ilkacse)




Email:ilkacase11@gmail.com




BA Economist