Tuesday, April 22, 2014

Wiil Taayirka Diyaaradda ku safray 5 saacaddood "USA"


usaWill 16 sano jir ah ayaa nabad tegay kaddib markii uu hoos galay taayarka diyaarad hawada ku jirtay muddo 5 saacadood ah.




Diyaaradda oo ka soo baxday gobolka California ayaa gaartay gobolka kale ee Maraykanka ee Hawaii.




Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaraddu degtay.




 Wiilkan ayaa waxa su'aalo weydiiyay laanta dambibaarista ee Maraykanka oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameeyay.




Takhaatiirta ayaa sheegay in caafimaadka wiilkaas uu wanaagsan yahay.




Si mucjiso ah ku badbaaday




Wiilka yar ayaa la sheegayaa in cidda uu ka soo cararay, oo uu ka soo booday dayrka gegida diyaaradaha ee San Jose.




Afhayeenka shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay “muhimadda ugu weyn waxay tahay caafimaadka wiilkaas, oo si mucjiso ah ku badbaaday."




Afhayeen u hadlay laanta dembibaarista ee Maraykanka Tom Simo ayaa sheegay in willka uu "nasiib badan yahay maadamma uu nool yahay".




Wiilkan ayaa  ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.




Tan iyo sanadkii 1947-dii 100 ruux ayaa isku dayay inay taayarka diyaaradda hoosta ka galaan, intooda badanna way dhinteen.