U jeedada safarkan ayaa timid Maalmo kadib xaqiiqo raadintii uu Gabiley kala soo laabtay
Hargeysa(GNA) -Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta gelinkii dambe safar ugu baxay dalka Ethiopia.
Lama sheegin u jeedada safarkan uu maanta Gelinkii dambe wasiirku ugu baqoolay Itoobiya, hase ahaatee warar laga sheegayo ujeedada safarkiisan ayaa tilmaamaya in uu la xidhiidho arrimo dhinaca amniga labada dal.
Cali Warancade ayaa laba maalmood ka hor booqasho ku joogay magaalada Gabiley oo Todobaadyo ka hor lagu qabtay saraakiil dhanka Itoobiya ku socotay oo xadka labada dal ka gudbaayay,ku was oo sida dawladda Itoobiya ku dacwootay in laga qaaday macluumaad sir ahaa oo ay wateen.
Arrintaa ayaa xiisad ka dhexdhalisay labada dal iyadoo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu Jimcihii ina dhaafay ka soo laabtay safar arrintan la xidhiidha, wasiirka arrimaha dibada Somaliland uu isna u weydaartay isla maalintaas.
Booqashada uu Cali Warancade ku joogay Gabiley ayaa iyana ahayd mid xaqiiqo raadin ah oo arrintaas dabada ku haysa, iyadoo tagidaankiisa uu maanta ugu baxay Itoobiyana uu noqonayo mid tafaasiiro dheeraad ah uu ka siinayo dalkaas Itoobiya.
Mustafe Faro
Gobanimonews