Burco(GNA)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa Saaka Qalab Farabadan gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, Qalabkan oo isugu jiray qaybaha kal duwan ee caafimaadka ayaa Xildhibaanku waxaa uu kasoo qaaday Wadanka UK oo uu dhawaansafar ku gaadhay islamarkaana ay soo dhibeen Jaaliyada Somaliland ee Manchester uguna deeqeen dalkooda hooyo.
Wareejinta Qalabkan waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle Maayir ku xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin Masuulliyiinta Cisbitaalka guud ee Burco isuduwaha Wasaarada Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid iyo masuuliyiin kale .
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi kana warbixiyey Qalabkan kala duwan ee uu saaka ku wareejinaayo Cisbitaalka guud ee Burco waxa hadaldiisi ka mid ahaa''alaabtani waxay ka koobantahay noocyo kala duwan oo qalab caafimaad oo tiro bada,waxanay ka mid ahayd alaab kala jaad aha oo aan dalka uk ka keenay, waxa kale oo uu sheegay inuuu kasoo qaaday wadanka UK gaar ahaan Muwaadiniin jooga Magaalada Mancherster ee Cariga Ingiriiska ayna ugu talo galeen inay gaadhsiiyaan Wadankooda hooyo si wax loogu qabto dadkooda, Xildhibaan bidhi ayaa sidoo kale sheegay inay alaabtu kusoo jirtay safar haatana ay dhawaan soo gaadhay Dalka maantana ay ku wareejinayaan qeybteedii hore Cisbitaalka burco islamarkaana ay jiraan qeybo kale oo hadhay oo soo socda kuwaasna lagu wareejin doono cidii kale ee ay khusayso.
Mr Bidhi oo sharaxaad ka bixinaayey Agabkan ayaa sheegay inay alaabtani badantahay islamarkaana isugu jirto qalab Caafimaad, Waxbarasho, Sports iyo kuwo Loogu talo galay Caruurta Derbijiifka uuna dhawaan samayn doono Xarun balaadhan oo lagu xarayn doono Caruurta Derbijiifkaa, Waxaana uu mahad baladhan usoo jeediyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay suura gelinta Alaabtan isagoo si gaara u xusay dadkii uu kasoo qaaday iyo sidoo kale Maamulka Dekeda berbera uu sheegay inay qeyb weyn ka qaateen soo degitaankeedii iyo Wasaarada Waxbarasahda ee Gobolka Togdheer, Xildhibaan Mubaarig ayaa hoosta ka xariiqay inay balan qaadkiisi ka mid ahayd inuu isku xidhi doono Gobolka Iyo Qurba jooga si loo horumariyo Degaanka Togdheer.
Maayir ku xigeen Degmada Burco Mudane Xoday iyo Dr Cabdi Yaasiin oo ah Isuduwaha Caafimaadka Gobolada Bariga Somaliland oo iyana Goob joog ka ahaa Wareejinta Alaabtaasi saaka lagu wareejinaayey Cisbitaalka burco ayaa qurba jooga Somaliland ku amaanay doorka waxqabad ee ay ka qaataan horumarinta dalka, isagoo sheegay in Dhakhtarka Burco ay dib u habaynta ugu weyn ay sameeyeen Qurbajooga reer burco islamarkaan ay saaareen Jiingada iyo Agabka lagu shaqeeyo, waxaan uu dhankiisa mahad usoo jeediyey Xildhibaan Mubaarig Bidhi.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office