Thursday, April 3, 2014

Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland iyo Ajaanibka ah oo la Kashifayo 23 sanno ka dib


“waxa jira  Dhakhaatiir ajaanib iyo waddaniba isugu jira oo buuxin waayay Shuruudihii Dhakhtarnimo, laakiinse warbaahinta kama sheegayno”.




Guddida Xirfadleyaasha Caafimaadka Qaranka oo shaaciyay diwaan-gelin iyo qiimeyn Madax taabasho ah oo lagu sameynayo bahda Caafimaadka ajaanibka iyo Mawaadiniinta isugu jira.shir jaraa’id




Maxaa isku beegay Faafinta rasmiga ah ee Xeerka Mihnadleyaasha Caafimaadka iyo ka hortaga Dr. Macow?warbixin




DSCN3027Hargeysa(GNA)-Guddida iyo Hogaanka Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horaysay Maanta shaaca ka qaaday inay ku guddo jiraan qorshe lagu sugayo aqoonta dadka ku shaqaysta xirfadda caafimaadka iyo  tayada xarumaha Caafimaadka, si loo kala saaro kuwa aan takhasuska u lahayn eek u xoogsada iyo mihnadleyaasha saxda ah.




Talaabadan ayaa la qaadayaa, ka dib markii la dhamaystiray xeerka lagu dabaqayo qaabka loo  qiimeynayo  dadka iyo xarumaha Caafimaadka, kaasoo faafin rasmiya lagu sameeyay markii soo maray marxaladihii kale ee sharciyada.




Hubinta Dhakhaatiirta iyo Kal-kaaliyeyaasha ka hawl-gala goobaha Caafimaadka oo ay Cisbitaaladda  dawladdu ku jiraan ayaa socotay labadii bilood ee u dambeeyay, taasoo lagu bilaabay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dibada ka yimaada.




Arrintan ayaa ah mid bilow ah oo aan wali hoos loogu daadegin, laakiinse waxa barbar socota Diwaan-gelin lagu sameynayo dhamaan Hawl-waddeenada Caafimaadka iyo xarumaha ay ka hawl-galaan ee Gobollada dalka oo dhan , waxaanay guddidu sheegtay inay Gobollo badan ka fuliyeen Diwaan-gelinta.




DSCN3021   DSCN3029 Shirkii Jaraa’id ee ugu horeeyey Guddida oo rejo u muujiyay Bukaanka halista ku jira




Shir jaraa’id oo ay Guddidu maanta ku qabteen Xafiiskooda Magaaladda Hargeysa waxay ku sheegeen in laga bilaabo bisha June ee sanadka 2014 aan la ogolaan doonin qof aan nidaamka hubinta marin oo waddanka kaga shaqaynaya xirfada Caafimaadka.




“ bisha June ee sanadkan laga bilaabo qof kasta oo aan is-diwaan gelin ama aan xirfadiisa la hubin wuxuu ku khasbanyahay inuu Xafiiskan Guddida yimaado, hadii uu iman waayana waa la qabanayaa”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegtay Luul Jirde Xuseen oo ah guddoomiyaha guddida.




Waxaanay intaasi ku dartay “ iminka muddooyinkii u dambeeyay  hawshan waanu wadnay waxaanan diwaan-gelin ka sameynay xarumo badan oo ku yaala Gobollada dalka oo Saaxil ka mid tahay, dad badanbaanan qabanay oo iminka Baadhisi ku socotaa qaar kalena wali maanu gaadhin, hawshuna waa sidaa ay ku bilaabantay”ayay tidhi.




Luul ayaa caddeysay inay jiraan Dhakhaatiir badan oo Ajaanib iyo mawaadiniin isugu jira kuwaasoo sida ay iftiimisay mugdi ku jiro aqoontooda dhakhtarnimo, hase ahaatee ay diiday inay Warbaahinta ka magacowdo “horta hawshan sida noo qorsheysan saddex qaybood ayaanu u galnay qaybta koowaad waxaanu ku bilownay hubinta Dhakhaatiirta Ajaanibka ah, qaybta labaadna waa diwaan-gelinta iyo hubinta kuwa dalka u dhashay iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.




“kolkaa annaga sida Xeerku na farayo bina-aadanimaduna ku jirto ma doonayno inaanu dadka la qabtay ama baadhistu ku socoto aanu warbaahinta ka xayeysiino hadaanu qofku dalbadan, sida Dhakhtar macow oo kale, qofka markaanu aqoonta uu ku shaqaynayo qiimeyno ee uu buuxin waayo shuruudihii looga baahnaa shaqada ayaanu ka joojinaa,markaasaa baadhis qoto dheer lagu sameeyaa”ayay hadalkeeda raacisay.Mihnadleyaasha




Luul Jirde ayaa sidoo kale ku doodday “markaa way jiraan dhakhaatiir badan oo aanu qabanay, laakiinse maaha kuwo aanu halkan ka sheegayno waayo arrintan aanu haynaa waa mid xaasaasi ah”ayay tidhi.




Xubno kale oo ka mida Guddida ayaa iyaguna  shirkaasi ka sheegay inay qaadayaan talaabooyin adag oo wax lagaga qabanayo gol-dalloolooyinka goobaha Caafimaadka iyo dadka ka shaqeeya, si bulshadu u hesho adeeg caafimaad oo laysku halayn karo.




“waxaanu balan ku qaadaynaa inaanu Bulshadayada ka badbaadino halis kasta oo kaga imanaysa dadka caafimaadka ku shaqeeya, taasaanu ilaahay dartii uga shaqaynaynaa, aniga iyo inta kale ee guddida ku jirtana xil naga saaranyahay”ayuu yidhi Dr, Xuseen oo ah Madaxa Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa oo shirkaasi isna ka hadlay.




Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo la kulmay Guddida




Dhinaca kale, Guddida Caafimaadka Qaranka iyo dhigoodda Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta yeeshay kulan lagu faaqidayo habka loogu shaqaynayo Xeerka Mihnadleyaasha Caafimaadka.




Guddoomiye ku-xigeenka guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay kaga wada hadleen labada dhinac  kulanka oo ahaa mid albaabadu u xdhnaayeen.




“Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka waxaanu iska waraysanay sidii loogu shaqayn lahaa Xeerkaa oo faafintii rasmiga ahayd lagu sameeyay, si wanaagsana waxaanu isaga waraysanay heerka ay adeegyada caafimaadku marayaan iyo qaabka ay ugu hawl-gelayaan sharcigan cusub”ayuu yidhi Axmed Ducaale.




Dhibaatooyinka bulshadu kala kulanto xarumaha Caafimaadka




Dhibaatooyinka Bulshadu kala kulanto goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah ayaa ah mid joogto ah, laakiinse todobaadkii hore ayaa kiis aad u fool xun laga wariyay Cisbitaalka Dawladda ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo Nin Dhakhtar ah oo u dhashay dalka Ruushka oo ka hawl-galaa uu Gabadh dabiib caafimaad u doonatay kaga saaray Xubinta Ilmo-galeenka, isagoo u sheegay inuu Cudurka Kansarku kaga dhacay.




Xubinta uu Ninkaa Ajaanibka ahi kala baxay Gabadha ayaa markii dib loo baadhay laga waayay Xanuunkii uu ku sheegay, taasoo fajac iyo foojignaan badan ku beertay Bulshada ku xidhan Cisbitaaladda.




Sidoo kale mid ka mida dadka hawlaha Caafimaad u tegay mid mid ka mida Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay ee Caasimadda Hargeysa ayaa Gobanimonews uga waramay dhacdo uu dhibsaday oo uu la kulmay.




“aniga mushkiladdii ugu weynayd ee aan ka xumaaday waxay igaga dhacday Cisbitaalka Gar-gaar ee weyn, waxaan ogaaday in Cisbitaalkaa dadka ku shaqaystaa Shurako ku yihiin inay dhismaha ay ku jiraan dadka ku baadhaan.




Bangiga dhiiga ee qofka Cisbitaalka lagu qalayo waxa iska leh qolo gaar ah oo gaar u shaqaysta, waxaana laga qaadaa dadka $20 oo baadhista Dhiiga iyo shubistiisa ah, qolaalka ayaa lacag gaar ah iyagana lagaga qaadayaa, hawlaha kale ee lagu qabanayaa dhamaantood iyaguna waa lacag”ayuu yidhi Mawaadinkan oo ka mida dadka mufakiriinta ah ee wax qoraa.




Waxaanu intaasi ku daray “laakiinse waxaas oo dhan waxa ka daran Dhiiga qofka marka la baadho ee ay ka loo shubayo isku mid noqdaan waxa kale oo jira in la eego in labada dhiig ee labada qof isu shubayaan isla fal geli karaan, markaa waa in qofka laga shubaa in yar oo tijaabo ah, balse waxa igu dhacday in iyadoo aan labadii dhiig laysu eegin ayaa layga wada shubay dhamaan dhiigii loo baahnaa, dabadeed way isla fal geli waayeen labadii dhiig, ka dib waxaanu ku nidhi idinku dhiig kale na siiya kana qaata, laakiinse adigu waanu isfahmi waynay ka dibna dagaal ayaabay naga gaadhay”ayuu yidhi.




Xeerka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka oo ka kooban 31 qodob ayaa Golaha Wakiiladdu ansixiyeen October 24-dii  2012, ka dib fadhi ku beegmay  akhir Kal-fadhi  oo uu shir guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax.




37 Mudane oo ka mid ahaa 41 Xildhibaan oo fadhigaasi ka soo xaadiray ayaa u coddeeyay ansixinta  Xeerka Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer LR/ 19/2001.




Si kastaba ha ahaatee In la sugo aqoonta iyo xirfadda Takhasus ee Dhakhaatiirta Maxaliga ah iyo kuwa dibadaha ka yimaada ayaa haatan ah arrin ka daba taga oo wakhti hore loo baahnaa, laakiinse hadii caano daatay dabaddood la qabay iminkaba lagu suurto-geliyo arrintaasi waxay gaashaan u noqonaysaa halis nololeed oo si joogto ah saaxiib ula yihiin bulshada bukaan socodka ah ee daaweynta u doonta Dhakhaatiirta Warbaahinta laga xayeysiiyo iyo kuwa farsamasiiyada fadhiista.DSCN3026




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com