Thursday, April 3, 2014

Burco:Wareegtadii Waran-cadde oo la waafajinayo Guryaha dunsan ama duuga ah.daawo waraysi


Guryaha bur-bursan iyo kuwa Duuga ah oo Daamur ku noqday horumarinta Bilicda Burco iyo Maayir ku-xigeenka oo sheegay inay danbaa reer Guuraa u waafajinayaan Wareegtadii Waran cadde ee Bilicda..




Hoos ka daawo waraysi xiiso badan oo Gobanimo la yeelatay Maayir ku xigeenka Burco oo ka waramay waxyaabo badan oo muhiim ah




xodayHargeysa(GNA)-Dawladda hoose ee Burco ayaa sanadka 2014-ka qaadaysa  talaabooyin kor loogu qaadayo Bilicda Magaaladda Caasimadda labaad u ah Somaliland ee Burco, ka dib markii uu Wasiirka Daakhiligu wareegto ku amray in muuqaalka Caasimaddaha dalka la hagaajiyo.




Cali Waran-cadde ayaa wareegto uu soo saaray bishii Jully ee Sanadkii la soo dhaafay Dawladdaha hoose iyo dadweynahaba ku baraarujiyay inay ka shaqeeyaan kor u qaadista Bilicda Suuqyada iyo goobaha kale ee indhaha u ah Magaalooyinka waaweyn, si ay u noqdaan meelo dadyowga ajaanibka ah iyo kuwa wadaniga ahba indhahooda u wanaagsan.




“waa in dhamaan Meheradaha Ganacsiga iyo Dhismayaasha kale ee Laamigu hor maraa Mar-mar dhigaan wajahada u dhaxaysa Laamiga”ayaa lagu yidhi Wareegtada Wasiirku soo saaray.




Laakiinse arrintan Dadweynaha reer Burco iyo Dawladda hooseba iyagoo aqbalay, uguna hor bilaabay bulshooyinka ku dhaqan caasimadaha waxa ka hor timi caqabad ka horaysa qurxinta goobaha istaraatiijiga ah ee Magaalada taasoo ah dhismeyaal bur bursan iyo kuwo duug ah oo ka dhisan meelihii muuqaalka magaalada bili lahaa, sida labada Waddo ee Laamiga ah ee mara Zero-ga ilaa Xaafadda Kenya iyo ta hor mar marta Kaalinta Cali Barre ilaa Biriijka Xaar-wadda.




Inta badan Guryaha hareeraha kaga soo jeedda waddooyinka aan tilmaamay iyo kuwo kale oo badan waa kuwo Duug ah iyo qaar dunsan sidii dalka loogu soo noqday oo aan dib u dhis lagu sameyn, waxaanay qaarkood garabka ku hayaan ama ku dhowyihiin dhismeyaal tiro yar oo qurux badan oo qaarkood Fooqyo yihiin.




Sababta loo dhisi waayay Guryahaasi ayaa lagu sheegay duruufo dhaqaale, sida uu sheegay Maayir ku-xigeenka Degmada Burco Muxumed Jaamac Xasan (Xoday) oo Gobanimonews uga waramay qorshaha Golaha Deegaanka ee ku aadan horumarinta Magaalada iyo kor u qaadista Bilicda.




“Sanadkii hore waxaanu xooga saarnay dhismeyaasha Waddooyinka, kan 2014-kiina bilicda, waanay jiraan meelo badan oo Mar-mar la dhigay dhulka u dhexeeya Laamiga iyo wajahada Guryaha sidii Wasiirka arrimaha guduhu amray”ayuu ku sheegay Maayir Xoday Waraysigan oo Muuqaal ahaan aad halka hoose ka daawan doontaan.




“way jiraan guryo badan oo ku yaala meello istaraatiijiya oo dunsan ama duug ah, waana arrin uu dhanka dhaqaalaha la xidhiidha oo dadku hadaanay dhisan karayn dee waa khasab inay dundumooyinkooga iskaga jiraan, laakiinse hawshan bilicda waa la wadayaa, dadkana waan ku boorinaa inay dhistaan Guryaha”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ku-xigeenka Duqa Magaalada Burco ayaa sidoo kale waraysigan oo uu la yeeshay Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), kaga war bixiyay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay golaha Deegaanka ee Burco muddadii ay shaqaynayeen, qorsheyaashooda sanadka 2014, qaabka ay dadku cashuurta u bixiyaan, Korodhka Baaxadda Magaalada iyo arrimo kale oo badan.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=IIE-cvXodDQ


Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




curad1986@hotmail.com