Tuesday, April 1, 2014

Xasan Sheikh:“waa in dawladda looga dambeeyaa shaqaddeeda”Shir-jaraa’id


 




Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho u dhaafay dalka Bilguim oo uu Booqasho shaqo ku tegay..




“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo “




 




IMG_5838Muqdisho,01,Abriil,2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib booqsho labo habeen qaadatay oo uu ku joogay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.




Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo  la soo sameeyey  qeybaha kala duwan ee Bulshadda kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad.




Madaxweyanaha Soomaaliya  Xasan sheekh Maxamuud ayaa  ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan .




 “Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo”ayuu yiri.IMG_6174




“marar badan ayey  dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari.  Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynahu.




Geesta kale Hogaamiye dhaqameedyadda iyo dhammaan dadkii kale  ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda  labadda maalmood ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo.




Sidoo kale Madax Dhaqameedyada Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadaladda Dowladdana la shaqeynayaan.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Baydhabo tegay xili ay meel adag marayso xiisada ka dhalatay Maamul u sameynta Saddexda Gobol.




Laba Madaxweyne sheegte ayaa ka soo baxay Shirar muddo ka socda magaalada, laakiinse mid mida ayaa taageero ka helay Maamuladda kale ee dalka ka  jira, sida Puntland iyo Jubaland.IMG_5873




Sidaasoo ay tahay xaaladda ayaa wali u muuqata mid cakiran oo meel wax laysla dhigay jirin, inkasta oo Madaxweynuhu Guddiyo Wasiirro iyo baarlaman isugu jira arrinta ku wareejiyay.IMG_5891 IMG_5905 IMG_5996




dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia iyo wefti uu hogaaminayo ayaa isla maanta u dhoofay dalka Bilguimka, halkaasoo uu kaga qayb gelayo shir Caalamiya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com