Hargeysa(GNA) -Qoraal Kooban oo ay si wada jira u soo saareen Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka iyo Biyahu ayaa waxaa ay ku sheegeen in aan la qodi Karin meelaha biyo galeenada ah sida barkadaha,Ceelasha,Iyo Harooyinka Iyaga oo aan ogayn waxaana uu udhignaa qoraalkodu sida tan:
“ Labada wasaaradood waxay ila qaateen inaan la qodi Karin Barkaddaha, Ceelasha iyo Harooyinka iyadoo aanay Ogayn Wasaaradda Biyaha iyo Wasaaradda degaanka” ayaa lagu yidhi Qoraalka ay soo saareen labada wasaaradood.
Wasaaraddaha ayaa u jeedada go’aankan ku sheegay in lagu xakamaynayo waxyeelaynta Degaanka. Waxay u soo jeediyeen Hay’addaha ku shaqo leh inay isku hawlaan ka hor taga Degaanka.