Tuesday, April 1, 2014

16 Weydiimo Oo Dhako-faar Ku Riday Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada


Hargeysa(GNA) -War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah Macallimiina Qaranku ayaa weydiimo horleh loogu bandhigay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland gaar ahaanna Marwo Samsam Cabdi Aadan.




 




Waxa sidoo kale cambaarayn xooggan loogu jeediyay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daauud Axmed Faarax oo aan illaa hadda ka jawaabin eedo loo jeediyay 11/March/2014. Isaga oo abaabulay kooxo ku dirqiya in xaal la siiyo. Waxa aanu leennahay ma jiro gedaafo aanu falnay oo aanu raalli-gelin ka bixinnaa.




 




Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, waxa jiray goldaloolooyin aanu marag ka nahay oo ka jira nidaamka Waxbarashada ee Somaliland. Maantana waxa la gaadhay xilligii aanu sidii macallimiintii waddaniga ahayd ee UFO u toosin lahayn dhaliilaha aanu talo iyo tusaaleba kala quusannay.




 




Weydiimahan oo talo iyo toosin ahi waa kuwo la siman 16kii qodob ee ay Madasha Talada iyo Toosinta Qaranku u bandhigeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Hadba jawaabta ay ka bixiso wasaaradda tacliintu ayaanu ka shidaal-qaadan doonnaa.




 




Annaga oo ixtiraam iyo qaddarin badan u haynnaa hormoodka loo igmaday Hagista Waxbarashada Somaliland, waxa aanu ka codsanaynnaa in ay ka warceliyaan lix iyo tobankan weydiimood.




 




1.    Manhajka dugsiga sare gaar ahaanna maaddada Barashada Noolaha (Biology) waxa ku jira in ay dadku daanyeer ka yimaaddeen. Maxaad ka ogtihiin? Ma aragtida Daarwin ayaynu dhalllaanka ku habnaa?




2.      Lacagta siminnaarada faaiidada yar lagu qabto miyaa wax dhaama loo waayay?




3.      Ololaha siyaasadda ay wax walba kaga xoog badan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda. Taasi miyay u habboontahay?




4.      Shaqo-maalmeedka Wasaaradda Waxbarashadu sax ma aha …  Maxaa horseed u ah yoonka ka jira xafiiska wasiirka oo ay ku ururaan kooxo maamulka u haya rugo kale. Miyaan talo ka go’in meel kale?




5.      Maxaa saska looga qaaday Golaha Macallimiinta Qaranka ee ku tashaday tayaynta waxbarashada?




6.      Maxaa dhaliyay ka fiirsi la’aanta beddelka manhajka… Ee kolba loo gaadhaa go’aan ah “imaka ayaan isku darayaa sayniska iyo artska dugsiyada sare”




7.      Sababma ayaa loo duudisay Dugsiyada Aqoon iyo Ilays oo lagu amray in ay xaruntooda beddelaan, iyada oo loo cuskaday in ay degeen meel suuq ah, loona daawanayaa dugsiyada ardayda ku aabudha qolalka u eeg bakhaarrada raashinka. Ma xusaynno mid gaar ah, waxaana naga badiya kormeerka iyo madaxda wasaaradda ee Hargeysa




8.      Suugaantii Soomaali-weyn ee Maxamed Siyaad Barre ayaa lagu dhigaa dugsiyada sare. Maxaa loo tirtiri/tifatiri waayay?




9.      Waxa laga warwareegayaa dhismaha Akadamigii Suugaanta. Yoolku ma in lagu xero-geliyo abwaannada mucaaridka ahbaa sida Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo tiriyay maansada duqii gaadhiga kexeeyay?




 




10.  Taariikhda waxa ka maqan Sooyaalkii SNM, Halgankii Daraawiishta, Xadaaradihii Awdal/Selel, waddaniyaddii dalka, siiradii islaamka, xuskii halyeyada qaranka waxa ka buuxa faafitaankii diinta kiristanka IWM. Sababtee loo cuskaday?




 




11.  Xafiiska imtixaanaadku waa mid janjeedha una baahan dheelli-tir. Waxa ku xidhan oo taladiisa gooya macallimiin idman oo la yaqaanno. Maxaa sababay in cid gaar ah la xusho xilliyada imtixaanka la saxayo?




 




12.  Waxa la diiddan yahay tan iyo 2004tii sharciyaynta urur u dooda xuquuqda macallimiinta. Si toos ah ayuu Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne)  cagta hoosteeda u dhigay urur la odhan jiray Ururka Macallimiinta Cusub ee Somaliland (SONTA) oo u badnaa bareyaal ka qalin-jebiyay Kulliyaddii Tababarka Macallimiinta (KTM). Weli ma axdigaas ayaa xidhan?




 




13.  Dugsiyada gaarka waxa ay si badheedh ah ugu xad-gudbaan xuquuqda macallimiinta iyaga oo dumiya heshiisyada shaqada. Maxaa taas laga ogyahay




 




14.  Waxa si badheedh ah loola wareegaa xarumaha ay seeska u dhigaan xubnaha ka tirsan mucaaridku sida Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera oo ay aasaaskeeda lahayd Marwo Faadumo Siciid Ibraahin. Ma Kulmiye-diid ayay Faadumo noqotay?




 




15.  Ardayda waxa lagu dirqiyaa in ay soo dhaweeyaan madaxda xukuumadda, iyada oo culays la saaro dugsiyada maalinta ay mucaaridku hadlayaan. Ma eexdaas ayaynu ku barbaarinnaa carruurta?




 




16.  Ma jiro manhaj rasmi ah oo illaa maanta laga raadraaco casharrada dusgiyada sare ee Somaliland, waxaana tixraac laga dhigtaa manaahijta Kiiniya, Ingiriiska IWM. Miyaynu awoodi weynay in la sameeyo mise waa hagrasho?




 




 




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)




Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee Macallimiinta Qaranka