Maxamed Axmed Geele ayaa loo doortay Guddoomiyeha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland“Warsaxaafaddeed..
Hargeysa(GNA)-Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xafiiska Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyihii todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinku xilkii iska casilay maanta oo Salaasa ah.
Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari ), ayaa Guddoomiyaha Komishanka ahaa muddo afar sanadood iyo bilo ah, waxaana lagu sheegay warsaxaafaddeedka inaanu banaynin xubnimadii Komishanka balse uu iska casilay xilkii Guddoomiyenimada.
"Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22 Bisha April waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsho weynta Reer Somaliland, Xisbiyadda Siyaasadda , Xukuumadda iyo Daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland:
In Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Mudane Yuusuf Ciise Maxamed uu arrimo shakhsi ah u codsaday inuu banaynayo Jagadda Guddoomiyaha KDQ, taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsaday xubnaha KDQ 20 April 2014.
Xubnaha KDQ waxay si wada jir ah uga aqbaleen in Mudane Ciise Yuusuf Xamari uu baneeyo Jagada Guddoomiyaha KDQ”ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka oo lagu soo lifaaqay Go’aanka guud ee Guddida oo arrimaha lagu faahfaahiyay.
Warsaxaafaddeedka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ka soo baxay waxa lagu sii yidhi “sidoo kale waxay xubnaha KDQ si wada jir ah ugu doorteen shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 april 2014 xilka Guddoomiyaha KDQ mudane Maxamed Axmed Xirsi Geele”.
Maxamed Axmed Geelle ayaa ka mid ah todobada xubnood ee Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Guddidan ayaa qabatay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010 iyo tii Deegaamada ee 2012-ka dhacday.
Muddo xileedkooda ayaa ku dhamaanaya Bisha October ee sanadka 2014.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com