London(GNA) -Waxaa ay goor dhaweyd Golaha deegaanka Magaalada Shieffield ee cariga dalka Ingiriisku, ay cod aqlabiyda ku meel mariyeen Codayn ay u qaadeen Aqoonsiga Somaliland.
Citiraafkan buuxa ee Golaha deegaanka Shieffiel ay ku aqoonsadeeen Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa ka soo qayb galayd wefti xukuumadda ka socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka ganacsiga, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wakiilka Somaliland ee Ingiriiska, xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Uk iyo dadweyne kale oo ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland oo aad u tiro badan ku waasi oo ka kala yimid gobollada fog-fog ee dalka Ingiriiska.
Tirada Xildhibaanada Golaha deegaanka Shieffiel oo tiradoodu ay dhan tahay 84-Xildhibaan ayaa markii cod gacan tag ah loo qaaday Madax banaanida Somaliland waxaa si buuxda Gacan tooda ugu meel mariyey 83-Xildhibaan Inay somaliland ay ka mid noqoto dalalka dunida.
Dhinaca kale waxaa socda dabaal dagyo ay jaaliyada reer somaliland ee halkaasi ku dhaqan ay ugu dabaal dagayaan guusha weyn ee maanta uu golaha deegaanka magaalada sheffield uu ku dhaawaaqay.
Golaha Deegaanka Ee Sheiffeil ayaa ah Gole deegaan oo ku yaala mid ka mid ah magaalooyinka ay dadka reer somaliland ugu badan yihiin,waxaana ay jaaliyada reer somaliland, oo iyagu si xoog leh uga qayb qaatay in la ictiraafo somaliland, soo dhiraan dhiriyey.