Dhulkan oo ku yaala Degmada Duruqsi ayaa Badhasaabku dhinac u xukumay iyadoo aan Maxkamadduhu ka garniqin, taasoo abuurtay xiisad iska hor-imaad bulsho keeni karta…akhri Bayaan
Burco(GNA)-Xubno ka mida Bulshada ku dhaqan Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, ayaa ku eeddeeyay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye inuu sharci daro ku xukumay Dhul laysku haysto oo ku yaala Degmada Duruqsi ee Gobolkaasi.
Xubnahan oo sheegay iyagu dhulkaasi leeyihiin, una haystaan sharciyad dhamaystiran, isla markaana ay degenyihiin, ayaa Guddoomiyaha ku eeddeeyay inuu dhulkaasi ugu xukumay qolo kale oo ku haysata , sifo xaglin ah oo ay dabada ka riixayaan Masuuliyiin Ciidan iyo Maayir ku-xigeenka Burco oo arrinta faraha kula jiraa.
Ma jiro wax jawaab ah oo uu wali Badhasaabku eeddan loo jeediyay ka bixiyay, balse xubnahani waxay intaasi ku dareen inaan Dhulkaasi Maxkamad ka garnaqday iyo cid kale oo si madaxbanaan uga garnaqday toona jirin ee uu badhasaabku go’aan Jeebkiisa ugu xukumay dhinac.
Qoraal cabasho iyo digniin xambaarsan oo ay soo gaadhsiiyeen Xafiiska warqabadka Gobanimonews ee Magaalada Burco, ayay kaga dalbadeen Hay’addaha amaanka iyo Madaxda dawladda ugu sareeya in arrintan si dhakhso ah loo soo faro-geliyo intaan dhibaato amni daro ka dhalan.
Qoraalkaasoo ay na soo gaadhsiiyeen 6 xubnood oo ka mida dadka Dhulka laga xukumay ayaa ku doodday inaanay u hogaansamayn go’aanka Maamulka Gobolka ee sida ay sheegeen xaglinta ah.
Qaylo dhaan Madaxweyne iyo Eedeyn
Qoraalkooda dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan: “waxaanu halkan ku cambaareynaynaa Xukun sharci daro ah oo ku saabsan Dacwad oo degmada Duruqsi ah, kaasoo uu Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye sheegay inuu u xukumay cid gaar ah.
Xukunkaasoo aan ahayn mid Maxkamad ka soo baxay, cid ka gar qaadayna jirin, lana gaadheen Koox Saraakiil ah oo la safan dhinac ka mida dadka isku haysta oo ah qolada doonaysa inay dhulkaasi dhacdo.
Saraakiishaasoo hadii aanu qaar ka xusno ay ka mid yihiin Abaanduulaha Ciidanka Qaranka ee qaybta 12-aad ee Gobolka Togdheer , Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer Jaamac Baaye iyo Maayir ku-xigeenka Degmada Burco Muxumed Jaamac Xoday.
Hadaba hadii aanu nahay Mawaadiniinta Dhulkan isla leh, haysatana Sharcigii Mulkiyadda lahaanshiyaha oo dhamaystiran, isla markaana Dhulkaas hada , waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaannaan aqoonsanayn Xukunka ay gaadheen Nimankaasi Maamulka iyo Saraakiisha isugu jira, una hogaansami doonin, go’aanka Badhasaabka Gobolka Togdheer sheegay inuu ka soo saaray.
Sidaasi darteed waxaanu dhamaanba Hay’ada amniga iyo Madaxda ugu saraysa Qaranka ka codsanaynaa inay arrintaasi si dhakhso ah u soo faro geliyaan, waxna laga qabto.
Waxa kale oo aanu ku war gelinaynaa Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha amaanka in wixii dhibaato ka yimaada xukunkaasi aan cadalaada ku salaysnayn hadii aan deg deg wax looga ay masuuliyadeeda ka qaadi doonaan cida go’aankaasi gaadhay ee uu hogaaminayo Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Saraakiisha kale ee aan kor ku xusnay.
Wa bilaahi Tawfiiq
Magacyada xubnaha Baaqa soo saaray:-
1-Maxamed Cabdilaahi Cawaale
2-Mursal Cismaan Axmed
3-Maxamed Muuse Almis
4-Cabdi Aadan Cashuur
5-Mobaarig Maxamed Warsame
6- Cabdicasiis Cali Halac
Muranka Dhulka oo ka mida Mushkiladdaha ugu badan ee Khilaafaadka ka dhex abuura Bulshada, ayaa u muuqda mid dibada uga baxaya Magaalooyinka waaweyn, kuna fidaya magaalooyinka yar yar.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com