Ma dhegaysanaysay in madaxdii Ucid qaar ka mid ihina shalay nagu soo biireen.Waar mid mid bay tani adeer isu soo wada dhiibaysaa
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso
Dhaqane:Waar heedhe durba ma ka soo baxdeen Taleex.Oo maxaa ciidamada ka lugoonayseen hadaydaan meel baasta 2 cisho haysan kareen.
Dhaashane: Waar ciidamadu meesha may qabsan adeere dalkoodii uun bay tegeen.Hawl gal ciidan caadiya ayey aheyd.
Dhaqane: Horta ma taqaaniin kharashka ku baxa marka laba guuto meeshooda laga dhaqaajiyo ee mel kale loo raro ?Dalalka waaweyn baa ruxma adeer malaa idinku dhaqaalaa maydaan barane.Mise waxaa u haysataan RRU dan Hargeisa iyo Burco dhex yaacaysa een wax kharasha idinku joogin oo kale.Waar kharashka wadanka
ka daaya adeer hadaydaan wax macno leh samaynayn.Ma nimaka Haatuf lixdan ciidan ah u diray baanu wax waydiinaynaa ?
Dhaashane: Weligiinba qayliya .Ma dhegaysanaysay in madaxdii Ucid qaar ka mid ihina shalay nagu soo biireen.Waar mid mid bay tani adeer isu soo wada dhiibaysaa .Ninkii noogu adkaa markaanu mucaaridka aheyn Axmed kaysaa maraya adeer ee nagu yidhi siilaanyo Hargeisa kama soo degi karo.
Dhaqane: Maantana muxuu yidhi kaasi?Ma siilaanyo Hargeisa kama bixi karo.
Waar heedhe sheekaan kuu hayaa dee .Waxaa la yidhi : Beri baa nin nacasi inan yar guursaday .Nacaskiibaa inantii naftii u keenay .Soo bax aan hurdada tagnee uunbuu yidhaa.Markaasay khatyaan is taagtay ,ayaantii danbe ayaa waxay goaansatay inay iyadu mar walba hadalka kaga horayso oy ku tidhaa .soo kac aan hurdada tagnee.Nacaskiibaa khaati is taagay .Wuxuu u baxsaday guriga Eedadii .Isagoo jooga guriga Eedadii ayaa waxa soo maray orgi ri eryanaya .Dadkii la fadhiyeybaa orgigii ku qayliyey oo yidhi :ju ju ju.Nacasakii baa yidhi :Iska dhaafa walee isagaa dan guriga Eedadii ugu baxsan doonee.
Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden