Muqdisho(GNA) -Somalia ayaa la sheegay iney ka mid noqotay dalalka urur goboleedka IGAD uu u magacaabay iney ciidamo nabad ilaalin ah u diraan dalka Koonfurta Suudaan oo ay ka jireen mudooyinkan dagaalo u dhexeeya dowlada iyo falaago ka soo horjeeda.
Raisul wasaaraha Itoobiya Haile-mariam Desilgn ayaa magaalada Addis ababa ka sheegay in IGAD ay isku raacday in shan dal oo xubno ka ah ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan dalka Koonfurta Sudan.
Haile-mariam Desilgn ayaa intaa ku daray in dalalka loo doortay iney ciidamadaas diraan ay kala yihiin, Itoobiya, Jabuuti, Ugandha, Kenya iyo Somalia.
“Ciidamadan waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabad ka dhalata dalka Koonfurta Sudan oo ay ka jiraan dagaalo sokeeye” ayuu intaa ku daray Haile-mariam Desilgn oo aan sheegin tirada ciidamadan la geynayo Koonfurta Sudan.
Waa markii ugu horeysay ee muddo ka badan 20 sano la sheego in Somalia ay ciidamo nabad ilaalin ah u direyso dal kale oo ay xasarado ka jiraan, waxayna tani ku soo aadeysaa xili Somalia lafteeda ay joogaan ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda dalal afrikaan ah si ay xasiloonida u soo celiyaan.
Xigasho: warqaad.com