Friday, April 18, 2014

"Qofka Hubka Qaatey ee Sharciga ka hor yimid, Iyo Ciidanka cid u doodi kartaana majirto, waa dameer bakhtiyay” Cali Warancade


Boorama(GNA)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade ayaa, digniin usoo jeediyay in cidii Ciidamada Amaanka kala hortimaada hub ay noqonayaan dameer bakhtiyay islamarkaana aaney Xukuumad ahaan aqbali doonin cida u dooda sidoo kalena, aan loo xidhi doonin Askariga toogta, oo aanu laheyn wax magdhow ah habayaraatee.




Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo hadal tafdheer ka jeediyay, maanta Shir uu Madax-dhaqameedka Gobolada Salel, Awdal iyo Maroodi-jeex uga furey Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa sidoo kale faafahin dheer ka bixiyay, in aan Shacbigu waxba kasoo qaadin marka ciidamada amaanka la dhibaateeyo, kadibna marka ay iyagu qofka daalinka ah toogtaan lagu sheego qabiil balse aan lagu tilmaamin Ciidamada ay katirsan yihiin iyo Waajibaadka ay gudanayeen.




Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo arimahaa faafahin ka bixinaya waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan.




"Askarigaasi wax xaq ah iyo mag dhow ah iyo mag ah oo uu Dowladaa ku leeyahey Shacabkana ku leeyahey majirto, waa arin cajiib ah waxaan is idhi waa malaaigtaa illaahay, oo naftood hurayaal ah  oo haduu u dhinto danta dadka, wax alla wax xuquuq ah oo leeyahey majirto waala aastaa uun, taasi waa midoo Askarigii sidaas ayuu ku baxey ninkiina Gurigii sidaas ayuu ku haystaa,madluunkii uu ka qaadeyna wuu agtaagan yahey askarigiina la dil,muxuu sameynayaa nabedgelyadiise sidey noqoneysaa, kii hore tag kii labaad ee lasocdey ayaa is odhanaya sharcigiina dhimay madluunkiina wuu ku agtaagan yahey, ee wixii sharcigu ku farey yeel wuu dilay dambiilihii wax dilay, waxa saacad kabacdi soo baxeysa hada Askarigii cidi waxba isma weydiin  waar ninka ninka dilay qolomuu ahaa wax u adeegaya mooyee, markiiba waxa la odhanayaa Reer Qansax waar nin Reer Qanasx ah ayaa waxa uu dilay nin Reer Qudhac ah ma aha Nin Boolis ah ayaa Diley nin daalin ah anigu waxaan  inaa Sheego arintaasi waxey kasoo baxdaa Madax dhaqameedkii aan amaanayay laakiin, iyagu may sameynine waa dhaqan xun oo Bulshadeenu dhigatey oo dadkeenu ku riixayo madaxdhaqameedka, oo ay qabiil ku daba taagan yahey, nacas yahow raadi xaqii daalinka, waxeynu maanta uwada fadhinaa hadeynu shacabkii nahey, iyo hadeynu madaxdii nahey, iyo hadeynu dowladii naheyba, in aanay madaxdhaqameedku aqbalin, hada wixii ka dambeeya in aanu Reerku ku kalifin in yidhaahdaan xaqii daalinka raadi waan idinka reebaynaa madaxdhaqameedow, cida idinku riixdana anagaa gacan bir ah wax kaga qabaneyna idinkana waxaan idinka codsaneynaa, xaqa aad raadineysaan inuu noqdo xaqa Madluunka ninka dulman, arintaasu waxey ku fadhidaa dhaqankeena suuban fulinteedana waxa leh dowlada iyo madaxdhaqameedka, iskama lihi hadalka aan leeyahey wuxu ku fadhiyaa sharciga aynu dhiganay,ee aynu nabada ku haysano ee aynu wada ogolaanay ee qarankeenu leeyahey ayuu ku fadhiyaa hadlkaa aan leeyahey"Ayuu yidhi.




Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa "Wuxu leeyahey qodobka 44aad cutubkiisa tobnaad ninka Ciidanka Amaanka ah ee loo diro inuu fuliyo arin ku qotonta sharci, oo kasoo baxdey ama Garsoor ama Howlaha ay Madax-dhaqameedyadu u igman yihiin cida kala hor timaada hub wax dili kara, wax alla wixii qofkaa soo gaadha naf iyo maal dhibaato soo gaadha iyo wixii Bulshada kale ee u dhow soo gaadha waxa ka masuul ah qofkaa hubka qaatey ee sharciga ka hor yimid, ee ciidanka amaanka ka hor yimid cid u doodi kartaana majirto, waa dameer bakhtiyay wax alla wax magdhow ah oo uu leeyahey majirto, Bulshada Reer Somaliland waxaan usoo jeedinayaa madaxdhaqameedka iyo madaxdooda kaelba sharcigaa ay ku dirqiyayaan, in ay sharcigaa garab maraan oo ay ka boodaan oo ay yidhaahdaan nin Reer Hebel ah ayaa nin Reer hebel ah diley, oo ay yidhaahdaan la aasi maayo, wey dhacdey waanay dhacdaa laakiin imika ka bacdi dhici mayso, wey dhacdey Askari sharci wax ku diley in markii uu diley layidhi hala qabto oo hala xidho, oo isagii jeelka la dhigo, taasi waxey keeni kartaa in ninka Askariga ahi, in uu hore u dhaqaaqi waayo markuu arko nin qori sita oo uu hoosta galiyo qorigiisa, waxaan doonayaa arinta noocaas ah in aynu ka tashano"Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.




Waxaanu gunaanadkii hadalkiisa kusoo khatimay in Xafiiskiisa ay uyaalaan kun iyo boqolaal dacwadood oo u baahan fulin taas, oo ay dadkii lahaana sida kabcada ku wareegaan sida uu hadalkiisa u dhigay, ee ay madaxdhaqameedku ka digtoonaadan in ay daalinka usoo raacaan.