Hargeysa(GNA)-Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), ayaa maanta ku soo laabtay dalka, ka dib uu safar Caafimaad oo uu muddo ugu maqnaa dalka Malaysia uu soo dhamaystay.
Sheikh Aadan Siiro ayaa ka mid ah Culimadda waaweyn ee Somaliland, khaasatan Magaaladda Hargeysa.
Dadweyne tiro badan iyo culimo awdiin ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa oo uu sheikhu ka soo degay.
Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo markii uu soo degay Warbaahinta kula hadlay qolka Nasashada, ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsantahay.
Sheikha ayaa aad u ugu mahadnaqay dadkii soo dhaweeyay iyo kuwii xaaladiisa caafimaad la socday ee gudaha iyo dibadaba.
Sheikha ayaa ka mid ah culimada Barmaamujyaddooda diiniga ah warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee Somalidu baahiyaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com