Wednesday, April 23, 2014

DOOD: KALA ARAGTI


Hassan MaalDood tallantaali ah, laba geesood ah, dhax martay laba dhinac “Aniga iyo Aqoon” bal si dhiiran doodan labadayda na dhax martay noola dhugta.




ANI:




Tan iyo bilowgii intii aadamuhu alifka bartay, qoray akhriyayna ayaa kownku qalalaase iyo qaxar, dhac iyo boob, dhaggar iyo dhiig ka bixi la’ayay eedaasna waxa leh aqoon. Aqooneey aadamaha dhib mooyee dheef kuma haysid. Uumanaha inta ku barataa quudhsi mooyee qorshe kale ma bartid. Quwadaha adduunka inta isbida aqoon waa inta ugu quudhsiga badan, ugu qaxarka badan, aan kala saarin xaq iyo baadil.




Maxaad uunka hogag iyo haadaamo uga tallaabsatay kuna heermeen, uunka ruuxii kugu dhiiranaan jiray adhaxduu kaaga liicay kaana dheefi waayay, sidii lagaa filayay iyo sida aad noqotay waa kaaf iyo kala dheeri.




Aqooneey qoraalkaaga si hufan baa ugu hagar baxaa dhudhun iyo laxaadba, dhaaxaan itaalkay kuu dhaban adaygay, dhib, dhafar, dhidid, dhiig iyo dheecaan awgaa u mutay. kaana dheefi waayay!




Sababayn kari waayay halkay sartu ka qudhuntay, caqliga iyo cagtaba in aan hojiyaan filayay, cilmi iyo codkar baan kaa filayay mise colwade iyo cawaanbaan baan noqday. Dhalan Dhoolka Waayaha Iyo dhirbaaxooyinkiisa dhabar jabka ku haya dhallinyarada horseedbaad ka tahay. Maxaa dhallinta hantaaqooyin aad u gaystay ay la heetinayaan oo aanay u hagar bixi Karin hoobaanta adduunyada, Maxaad miyir-gaddoon ku ridday dhaliyaro iyo mujtamacba, hadii lagugu aflaxo kob lagu tanaado lagugu gaadho maxaa dhallin ku baratay isku halligeen baddaha, ku bayhoofeen qurbaha iyo qaxootiyada, kuguna hungoobeen jeerkaasna kaala kulmeen filanwaa iyo af-kala qaad eegana quus ay kaa taaganyihiin.




Mala gorfayntayda gooha, catowga iyo ololka iga baxaya waxa sal u ah uunka intii laga dhimbiil qaadanayay ee qiimo iyo qaayo kuu hurtay oo aan qadaf iyo qallooc, qaxar iyo qalalaase, qab iyo quudhsi aan ka bixin, ku xarragooda wixii laga xishoon jiray. Aqooneey ab iyo isir cidda aad tahayba waxaa ku qeexay aqoonyahan, kugu qeexay juuq iyo jaaqla’, habdhaqankiisa iyo ku badhitaarka aad badhitaarayso maankiisa iyo maskaxdiisa. Mana ogi in ay dhib iyo dheef kugu qabaan. Mala aragayga Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin aad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa” Uunka kii ku bartay nakaa bari lahaa haduu sidaa yahay anuu adaan ku saaray eeda.




Hareera Adduunka
Hormuud talinaaya
Hagaas daba jooga
Aqoonta Habowday
Hub geri samaysa
Hadmaa laha waayi?




-       Macalin Siciid Saalax




 




Haatan dan iyo hadal, heerka aan taaganahay hawlgal iyo halgan waxaan kuugu soo jiraba, hiigsado hiraal sare waxa aan cagta iyo caqligaba u hakiyay in aanan kugu soo hungoobin hadhow goortay ahaataba. Guud-mar guud aqooneey hantaaqo iyo ciil aan kaa la’aado.!!




 




AQOON:




Guuxa iyo reenka kaa baxay waxaan filayaa in uu yahay xoogxoog iyo isbooxboox itaal darri aqooneed ku salaysan.




Cida aan ahay, waxa aan taro xumaan iyo wanaagba xayaysiis uma baahna. Ruuxii uunka iskay bida uumbaa I kasa hadaan ahay aqoon. Sidaad moodayna maha, hana u malayn in dhayal iyo qudhqudhis laigu helo, in cantoobo iyo cantuugo laigu helo, tiiyoon dhiig iyo dheecaan la ii shubin qiimahayga, qumanaantayda iyo quruxdayda marna la ima hantiyo.




Ruux aragti ka aradan u baahan in maskadiisa la qarasbixiyo, isla jeerkaas aan lagu qarasbixin Karin dawo iyo dabiib mid toona, kaliya lagu qarasbixin karo in kaskiisa loogu biirsho aqoon jeerkaana la alif baro. I barashadaydu baryay qaadataa ruuxii I haleela jeerkaasna ii samra uumbaa I hela. Cilmi waxa loo caleema saaraa ruuxa [Aqoonyhan] I barta baryo isla markaana isku kay howlay. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”,ruuxa ifka guudkiisa jooga aan aqoon ii lahayn waxaa uu ku jiraa gudcur iyo habeen madow, abaar iyo ooda-lul.




Dammiirka waxaan faraa wax aan damiirka dam ahi ogayn jeerkaasna suurayn Karin. Waxaan ahay bidix iyo midig shar iyo khayrba sidii loo adeegsado burburiya ama hagaajiya. Haddaba sida kula quman qallad iyo saxba yeel marnaba sinaan maysaan ruuxaan aqoonlahayn.




Aqal dhinac banaan yahay ilayn dhaxan kaa celin maayo e haddaad goblan xagayga [Aqoon] ka tahay waa kuu darxumo iyo daryeel la’aan, waa kuu lur iyo leeleel, waa kuu xayo iyo xishood yaraan, waa kuu…. Waa kuu..




Haddaad i akhridid, fahantid, ka dibna aad I weelaysid waxa hubaala in guul iyo gobanimo aad soo hoyn doonto. Uunka inta kalena si aan hagrasho lahayn bildhaan-hummaag lagu hirto aad u noqotdoontid. Waxa dhaba oo dhalanteedka ka dheer bulsho wayn haddaad caynaanka u qabato qaab iyo qorshe san in aad u dajin karto.




Markaan ahay aqoon kaligeed  iska turqan aan xuska eebbe SWT iyo Sunnihii rasuulku CSW ku sidkanayn waxba ma ihi, waxaan kaamil ahay markaan koobsado kuna sidkanahay xuska eebbe SWT iyo Sunnihii rasuulku CSW.




Qiyaas, si qummana u qaadaa dhig waxa aan ahay [Aqoon]?  Qof iyo qaranba intii I baratay, isku kay hawshay milgaha iyo sharafta kownka guudkiisa ay ku leeyihiin wax ka maraga sida qof iyo qaranba la isku dhaafay kun iyo kow mid waliba kaalintiisa joogo, ogsoonow in aan shaqsina kusoo dhalan halka uu taaganyahay. La isku dhaafay Aqoon.




Guntii, Qallad maaha si aragu hadii uu ku sollanyahay cilmi, Soomaalidu waxay ku maahmaahda “Aqoon yaraan aamusbaa lagu kabaa” waxa qallad ah in aad ku muranto am ka hadasho wax aanad cilmi iyo caado midna u lahayn ama se aanad garanayn. Hana is bidin inaad badhaadhay adoon kow taagnayn waayo “Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu Kadeedmaa”.




 




Bal dadwaynoow ma anaa miyir-gaddoomay, mise aqoonbaa iska indho saabtay xaqiiqda, kasi waayay anigu siday tahaye. Bal adba !!




 




W/Q: Xasan Maal




 




hasanll@hotmail.com




hasanmaal@gmail.com




https://www.facebook.com/hasanmaal




 




Xasan Maal




Uganda, Kampala