Wednesday, April 23, 2014

Dagaal ku sii fiday Gobollada waqooyi “Koonfurta Sudan”


ggggDagaallo xoogan ayaa wali ka sii soconaya Gobollada Waqooyi ee Koonfurta Suudaan.




Mucaaradka dalkaas ayaa dagaal culus kula jiro ciidanka taabacsan madaxweyne Salva Kiir Mayardit, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militeriga South Sudan.




Philip Aguer ayaa sheegay in dagaallada ay ka socdaaan gobollada woqoyi-bari ee dalkaas, ee Upper Nile iyo Jonglei.




Mucaaradka beeniyeen warka Qaramada Midoobey ka soo baxay oo ku eedeynayay inay boqolaal dad oo rayidh ah dileen kadib marki todabaadki la soo dhaafay ay la wareegen magalaada shidaalka qaniga ku ah ee Bentiu, ee gobolka Unity.




Heshiis xabad joojin ah oo bishi January la kala saxiixday ayaa joojin waayay rabshadaha sii soconaya ee dalkaasi ku celiyay qalaalasaha.




In kabadan hal Milyan oo ruux ayaa ka barakacay guriyahooda tan iyo bishi December 2013, markaas oo uu dagaalka billawday, sida waxa warisay BBC-da oo soo xiganaysa Laamaha qaramada midoobay.




Is maandhaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir Mayardit, oo ka soo jeeda qabiilka Dinka, iyo madaxwene ku xigeenkiisii hore Riek Machar, oo ka soo jeeda qabiilka Nuwer, ayaa isu baddelay iska hor-imaadyo qabiil oo balaadhan.




Hogaamiyaha Falaagada Mucaaridka ayaa todobaadkii hore sheegay inay xukunka ka tuurayaan Madaxweyne Silva Kiir oo uu ku tilmaamay Kaligii Taliye Macangag ah .




Koonfurta Suudaan ayaa ka go’day suudaanta Waqooyi ee kale sanadkii 2011.




afti laga qaaday dadka shacabka ah ee dalkaas ayaa ogolaaday madaxbanaanid.




Gobanimonews




Addis-ababa Office




Email: editor@gobanimonews.com