Tuesday, April 22, 2014

PROF. SICIID CALI SHIRE OO JAAMACADDA CAALAMIGA AH EE BEDER U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN GANACSIGA IYO HOGAAMINTA


Xarunta Cilmi Baadhista Iyo Horumarinta Jaamacadda Beder Ayaa Xalay Kusoo Marti Qaaday Dr Siciid Cali Shire Jaamacadda Beder Isla Markaas Waxa Uu Arday Jaamacada U Jeediyey Khudbad Ku Saabsan Ganacsiga Iyo Maamulka.




Dr Siciid Cali Shire Waa Qoraa Inta Badan Wax Ka Qora Cilmiga Dhaqaalaha Waana Khabiir Ku Takha-Khusay Baadhista Iyo Maamulka.

















Jaamacadda Beder Ee Caalamiga Ah Waa Xarun Inta Badan U Furay Una Taagan Soo Dhawaynta Iyo Horu Marinta Cilmiga Bulshada Inta Badana Soo Dhawaysa Dadka Aqoonta U Leh Cilmiga Baadhista Ganacsiga Iyo Maamulka Sidii Ay Ardayda Jaamacada Waxa Badan Ugu Iftiimin Lahayeen.




Prefacer siciid warsame oo




 



ah hormuudka kuliyada jaamacada badar ayaa isna Dr Kusoo dhaweeyey khudbada waxaana uu ka waramay aqoonta kala duwan ee uu u leeyahay arimaha ganacsiga,maamulka iyo buugaaga badan uu qora waxaana uu yidhi”




 

















“Dr siciid cali shire waa aqoon yahan shahaadooyin kala duwan ka haysta cilmiga dhaqaalaha sidoo kale ah qoraa qoraya buugaag kala duwan oo ka hadlaya ganacsiga hogaaminta iyo sidoo kale bangiyada islaamka jaamacada beder runtii waxa ay u taagan tahay in ay uruuriso aqoon yahaniinta kala duwan sidoo kalena waa meel lagu soo bandhigon cilmi baadhista.




dhinaca kale waxa isna halkaasi ka hadlay Dr Siciid Cali shire Ardayda jaamacada bederna uga waramay sida ay dhaqaale am ganacsi ku abuuri karaan iyaga oo ku jira jaamacada waxaana uu yidhi”waan ogaya in caasimada somaliland ee hargaysa aya la ciir-ciirayso fursado ganacsi,ganacsiga laguu sheegaana waxa weeyaan sidaa fursadaha dahabka lagu helaa oo kalaa dadka somaliland ku nool waxaad kasoo qaadaa in ay yihiin hal millyan  oo qof waxaad u kala qaybisaa imisa ayaa da’doodu ka wayn tahay toddobaatan ama dakhligooda eeg am waxaad ka dhigtaa lab iyo dhadig am xaafadaha ay dagan yihiin soo tira koob maxaa ay u baahan yihiin dadkaasi eeg hadaanay oolin dalka sidaad u soo iibin lahayd falowgeed qabo.

















Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey sheekh siciid cali shire”waxaad qiimaysaa sidii aad dadka ku nool deegaan kaaga  aad ugu samayn lahayd ganacsi,waxaana haboon kolay qof kasta inta uu hankiisu uu yahay ayaa uu gaadha nin ayaa ku maah-maahi jiray madaxaag hadaad istidhaa gaadh, gaadhi maysid lakiin hadii aad istidhaa dayax gaadh maalin uunbaad gaadhi doontaa,taas waxaan uga socdaa kolay qofkasta waxa ku haboon inta uu yahay dugsiyada hoose in la baro ganacsigu waxa uu yahay ee aan caruurta lagu barbarin siyaasada oo aan sal lahayn,anigu waxaan wax badan ka koray ganacsiga siyaasada iyo hogaaminta lakiin ma jeceli waxa layidhaa hogaaminta ee waxana jecelay ganacsiga.




waxa uu sidoo kale sheegay am ka waramay ganacsiga sid uu qof ku samaysan karo meel ganacsi waxaana uu yidhiu”kolay waxa loo baahan yahay markaad ganacsiga doonayso inaad samaysato lacaga, dad keenuna waxa ay sheegaan inaanay lacaga u helay,lakiin waxaad waxa yar ku bilawdo ayaa waxa wayn ku gaadhsiiya Ayaan aamin sanahay anigu.

















Dr siciid cali shire waxa uu dagan yahay wadanka ingiriiska waana  qoraa inta badan wax ka qora arimaha ganacsiga iyo hogaaminta,waxaana uu xalay khudbad ku saabsan Ganacsiga sidii ay ardayda jaamacada caalamiga ah ee beder usamayn lahaayeen ganacsi u jeediyey waxaana uu tusay dhabaha ay kagag maarmi karaan shaqo la’aanta aafayse dhalinyaradii somaliland.