Dhegeyso; Faahfaahinta waxay ka wada hadleen iyo qodobada laysla qaatay, maalin ka dib dhawaaqyo lid ku ah Garaadka oo ka soo yeedhay Taleex
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale iyo xubno ka mid ah wefti siyaasiyiinta ah oo la socday markii uu dalka yimi.
Kulankaasi ayaa saacado qaatay, waxaana Madaxweynaha iyo Garaadka ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada iyo xubno Xildhibaano ah oo xaga dawladda ah iyo Garaadka iyo siyaasiyiin uu wato.
Shirkan ayaa Saxafaddu dibada ka joogtay, waxaase markii uu dhamaaday warfidiyeenada faahfaahin ka siiyay nuxurka Ujeeddada lagaga wada hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, kaasoo ka warbixiyay arrimaha laga wada hadlay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/codka-Dhuxul-ee-kulanka-Madaxweynaha-iyo-Garaadka.mp3"][/audio]
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa Jimcihii todobaadkan soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay wasiirro xukuumaddu ugu dirtay Dalka Djibouti oo ay ka soo galbiyeen.
Garaadka ayaa intii uu joogay ku mashquulsanaa Munaasibaddo casuumaad loogu fidinayay oo Beelaha Reer Hargeysa ku maamuseen.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Madaxweyne Siilaanyo wada yeeshaan.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ka mid ahaa Isimaddii dhidibada u taagay Maamulka la baxay khaatumo oo shir weynihiisii saddexaad qaban qaabadiisu ka socoto Taleex, tan iyo markii la aasaasay laba sanno ka hor.
xubno u hadlay Deegaanka uu hogaan dhaqameedka u yahay oo taageersan Khaatumo ayaa gef ku tilmaamay go'aanka uu ugu soo galay Somaliland, waxaanay ku dooddeen inay kala laabteen Saldandii dhaqan ee uu hayay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com