Thursday, April 3, 2014

Kulmiye oo mar kale ku heshiiyey Saami-qaybsi Ergo oo Saluug lagu qaabiley


Akhri tiradda lagu kordhiyay Ergooyinka iyo Beello mar kale tiro aad u yar loo calaamadiyay




kulmiyeffHargeysa(GNA)-Dhinacyada manjaraha u haya Dejinta Ergooyinka ka soo qayb gelaya Shirweynaha Xisbiga talada haya ee qabsoomidiisa muranku raagaadiyay, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku heshiiyay wax ka bedel lagu sameeyay tirada ergooyinka ee ka imanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada.




Ergada Shirweynaha ayaa lagu kordhiyay 221 xubnood oo kale, ka dib markii saami qaybsiga saluugii hore la saluugay, sidaana waxa laga soo xigtay xubin ka mida Guddida fulinta oo ka qayb-galay shir gelinkii dambee maanta hogaanka Xisbiga iyo guddida fulintu ku yeesheen Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.




Heshiiskan ayaa laga rejo qabaa inuu soo afjaro murankii soo jiitamayay ee mar kale shirweynaha Xisbiga oo ku beegnaa 22 March dib u dhigay. Sida uu Gobanimonews u sheegay khabiir ka faalllooda arrimaha Siyaasadda.




Isu geynta tiradda Ergada hada lagu heshiiyey ayaa noqonaysa 1162 oo xubnood, taasoo saami ahaan loogu qaybiyay sagaal Beelood oo qaarkood tiro aad u kooban la siiyay , kuwona loo badiyay, sidaana waxa Gobanimo u xaqiijiyay xubin kale oo ka mida Guddida fulinta.




Saami qaybsiga Beelaha ayaa loo dhigay sidan:




1-  Beesha Awal 240




2- Beesha Habar-jeclo  240




3- Beelaha Samaroon Iyo Ciise oo lays raaciyay 196




4- Beesha Arab 146




5- Beesha Garxajis 136




6- Beelaha Harti oo laysku wada qaaday 136




7- Beesha Gabooye 24




8- Beesha Tol-Jecele 22




9-Beesha Ayuub 22




Dadka ka soo jeedda Beelaha tiradda yar laga siiyay Ergooyinka xisbiga ee go’aanka xogogaalka u ah ayaa durba saluug ka muujiyay habka wax loo qaybiyay, sida uu sheegay Maxamed Cabdilaahi oo ah dadka taageera siyaasadda Xisbiga Kulmiye.




“waxani wax la aqbali karo maaha, waxaanay noqonaysaa inaanu go’aan ka gaadhno taageeradii Xisbiga Kulmiye”sidaasina waxa Gobanimo u sheegay Yacquub Shirbaaye oo ah siyaasi da’ yar.




Saluuga ka soo baxaya bulshooyinka Xisbiga ku bahoobay ayaa saameyn ku yeelan karta go’aanka Xisbiga ee Heshiiska lagu gaadhay.




Shirweynaha Kulmiye ayaa hadii uu qabsoomo noqonaya shir-xisbiyeedkii ugu horeeyay ee ergo tiradan  le’eeg kulmiya, taariikhda asxaabta Siyaasadda Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com