Wednesday, April 2, 2014

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Paris Saint Germain v Chelsea.


Apr 2, 2014




Chelsea Oo Isbuucan ay guul daro ka soo gaadhay Crystal Palace ayay cawada booqan doonta kooxda hogaanka u heysa Ligue 1 De France Paris Saint Germain kulanka ka tirsan wareega sideed dhamadka Champions League lugtiisa hore.




Ogeysiiska Ciyaarta:




Garoonka: Parc Des Princess – Paris.




Saacada: 09:45 habeenimo xilliga ariga afrika.




Kulanka: Lugta hore Ee Champions League – Paris Saint Germain v Chelsea.




Garsooraha: M.Mazic.




Paris Saint Germain: waxa kulankan ka maqnan doona Jeremy Menez oo xanuunsan waxase sahki ku jira in kulankan la heli karo Van der Wiel.




Chelsea: waxa kulankan ka maqnan doona oo dhawacya qaba Ashley Cole, Samuel Eto’o halka Van Ginkel uusan diyaar u aheyn kulankan, Salah ayaan sido kale ciyaari doonin maadama uu Basel u soo ciyaaray koobkan.




Xaqiiqoyinka iyo Taarikhda Kulankan:




Chelsea ayaa laga dhaliyay kaliya shan gool xilli ciyaareedkan Champions League, waana kooxda ugu daafaca fiican iyaga iyo Atletico Madrid iyo Manchester United.




Chelsea garoonkeda kaliya hal mar ayaa looga adkaaday 12-kii kulan ugu dambeyay oo ay ku ciyaartay.




Chelsea ayaa laga dhaliyay shan gool dhaman inta kulan ay ciyaartay Champions League xilli ciyaaredkan.




Fernando Torres ayaa dhaliyay lix gool shantii kulan ugu dambeyay oo uu garoonka ku soo bilawdo tartankan.




Paris Saint Germain ayaan wax guul daro ah la kulmin 27-kii kulan ugu dambeyay oo ay garoonkeda Parc Des Princes ku ciyaartay tartamad Yurub.




Paris Saint Germain ayaan laga adkaan lixdii kulan ugu dambeyay oo ay ciyaartay Champions League.




Paris Saint Germain ayaa guul gaartay seddex ka mid ah lixdii kulan ugu dambeyay oo ay koobkan ciyaartay halka seddex jeer ay barbaro gashay.




Paris Saint Germain ayaa tartamada yurub garoonkeda ku badisay 17 jeer halka 10 jeer ay barbaro gashay balse aan laga guuleysan mudo sanado ah.




Line-upka Macquulka Ah:




Paris Saint Germain: Sirigu; Maxwell, Alex, Silva, Van Der Wiel; Verratti, Motta; Lavezzi, Lucas, Ibrahimovic; Cavani.




Chelsea: Cech; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Luiz, Ramires; Hazard, Oscar, Willian; Torres.