Sunday, April 20, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U diraya Qoyskii iyo Qaraabadii Marxuum: Axmed Maxamuud Xandule (Gocase)


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamud Xandule (Gocase)  oo ku geeriyooday 20/04.2014, Magaalada Hargeysa.




Waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Walaalkii Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule, ALLE ha u naxariistee marxuumkaasi oo ahaa odayaashii aqoon yahankii dalkan wax badan ka soo qabtay horumarkiisa iyo nabadiisaba.




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN