Sunday, April 20, 2014

10 sanno ka dib: Waxa Madaxiisa laga helay Dhagax!!Daawo


Nin ka cabanayey madax xanuun muddo 10 sannodood ah maskaxdiisa laga helay dhagax ku sameysmay.




 maskaxsNin dhalin yaro ah oo u dhashay dalka brazil ayaa waxa haleelay oo uu ka cabanaayey madax xanuun badan iyo dhibaato dhinaca araga ah mudo 10 sannodood ah.




Ninkan ayaa waxa laga helay dhagax ka sameysmay sida curiyaha calciumka maskaxdiisa.




 Dhagaxaantaas oo ay aad ugu yar tahay dhibaatadeedu cudurada ku dhaca celiac raga, sababida dheefshiidka taasi muu ogayn ninkaasi inay ku keentay, warbixintan cusub ee la xidhiidha xanuunkiisa.




 ku soo noqnoqoshada madax xanuunka iyo dhibaatada araga  ee ninkaasi laga daaweynayey ayaa  ahayd madax xanuun, laakiin muu rumaysan.




 markii dhakhtarku saaray qalabka sawira maskaxda ee loo yaqaan CT scan, waxa ay ka heleen nabar adke ah madaxa xagiisa danbe ee ninkan, meelaha arag sidaha.




baadhitaanka shay baadhku wuxuu ku tusinayaa in dhamaan dheecaanada ku wareegaya maskaxda ninkaasi inay caadi tahay, in kastoo ay aad u sareysay heerka difaaca jidhka ee la xidhiidha cudurada celiac, tixraacida warbixinta ay daabacday maanta bishan 16 wakaalada wararka caafimaadka ee egland cusub, 14-kii ugu xumaa war-bixinta daaweynta xanuunada.




Celiac disease waxa keena difaaca shaqadiisa oo xumaata taasoo jidhku uu ka jawaabo gluten, vitaminka laga helo sareenka, galayda, hadhuudhka iyo cuntooyinka laga sameeyo midhaha, difaacaasi wuxuu sababaa dheecaan kaasoo dhaawaca nudhaha mindhicirka yar, waxaanay u diidaan jidhka in la gaadhsiiyo nafaqadii la nuugay.




 inta badan calaamadaha cudurka Celiac disease waxa lala xidhiidhiyaa marinka mindhicirka yar, iyo ee lagu darro calool xanuunka, calool istaaga iyo shubanka, calaamadaha kale ee uu leeyahay waxa lagu daraa vitamin yaraan, finan maqaarka ah, madax xanuun, iyo margiyo xanuun.




si kastaba ha ahaatee, ma laha qofkasta oo uu leh cudurka celiac disease in lagu arko calaamadahaasi oo dhan, baadhayaashu waxay ku qiyaaseen cabashada xididada maskaxda ee dhacay in ay tahay 6 illaa 10 % ee bukaan ah ee uu helay cudurka celiac disease, 60% calaamadaha kale ee la xaaladan waxa lagu daraa sida yalaalugo, qadhqadhyo, dhuban,calool istaag, daal, madax-xanuun, afka oo cadaada, miisaanka oo hoos u dhaca, timahoo data, dhiig yaraan, iyo lafo xanuun, marka lagu darro daraasadihii hore oo la sameeyey.maskax




qofkan xanuunsanayey, baadhitaanka dhiiga bukaha wuxuu ku tusinayaa inay jirto heerka labaad ee dhiig yaraanta, baadhitaan kale oo si qoto dheer loo baadhay mindhicirka laga helay inuu hayo cudurka celiac disease, waxa lagu daweeyey oo loo sheegay inuu cuno aan lahay gluten “ gluten-free diat” iyo inuu qaato iron siyaado ah, kuwa ugu fiican dawooyinka suuxitaanka u qaato dhibaatada arraga ka haysa, kuwaasna wuu ku raystay, waxaana taas lagu darray warbixinta. .aad bay u yar tahay dadka inta badan ka cawda cudurka celiac disease, suuxdinta iyo guurguurida maskaxdu, laakiin taasi tirro aad u yar ayaa warbixin laga soo gudbiyey bikaanada.




 Illaa hadda ma cada sida saxda ah cudurka celiac disease uu ku keeni karro adke maskaxda , laakiin taasi waxay nala tahay in hoos u dhaca awooda nuugitaanka iron inay qayb ku yeelanayso, sidaa waxa khubarada wax baadhada dhinaca daraasaadka, waxaanu intaa ku daray wax yar oo adke ah oo lagu arkay maskaxda bukaan socodkaas kaasoo xaaladiisa caafimaad ee kalena lala xidhiidhinayo inay haysay dhiig yaraani




 Qoraa: Dr. Maxamed Faarax Qoti