"Somaliland marnaba Ogolaan mayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah”Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
“Shirka Taleex waxa lagu dhisayaa Maamul Goboleedka Khaatumo oo rasmi ah”Agaasimaha Arrimaha gudaha Khaatumo
Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa Digniin u dirtay Kooxo ay ku tilmaantay qaswadeyaal iyo nabad-diid, dalalka jaarka la ah iyo waliba kuwa Caalamka ee xidhiidhka siyaasaddeed k dhexeeyo.
War-saxafaadeed ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa lagu sheegay inaanay Somaliland u dulqaadan doonin shirar ka dhan ah qarannimaddeeda oo lagu qabto gudaha waddanka.
Warsaxaafaddeedkan oo uu saaray wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo Jimcihii Doraad safar ugu kicitimay dalka Itoobiya, ayaa sidoo kale dalalka Jaarka looga digay inay gacan siiyaan kooxaha ku hawlan shirarkaasi.
Sida laga dhadhansanayo warsaxaafaddeedka Xukuumadda Somaliland, digniintan ayaa ku socota Maamulka Khaatumo ee Shirka ku qabsanaya degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo ay Ciidamaddeedu dhawaan weerar ku qabsaddeen hadana dib uga soo baxeen.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inaanay Somaliland aqbalayn, horena u aqbali caddaadis kasta oo kaga yimaada meelo kale oo arrintaasi la xidhiidha, waxaanu ku adkeystay inay xuduuddaha Somaliland yihiin kuwo lama taabtaan ah.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa u dhignaa sidan
“Qoddobka 10aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa in ay Somaliland tahay Dal aqoonsan, kuna dhaqanta Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah. Waxaanay tahay Dal aaminsan in khilaafaadka Dawliga ah lagu xalilo dariiq Nabadeed iyo Wadahadal, waxaanay aaminsantahay dhawrista Soohdimaha Dalalka kale.
Sidaas darteed Somalailand marnaba Ogolaan mayso in lagu soo xad gudbo Soohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan Ogolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, mana dhicin mana dhacayso in cid kale cadaadis ku saarto xoojinta dhaqdhaqaaqa maamul fidinta iyo sugida Nabad gelyada shacabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.
Sidaa darteed, xukuumadda Somaliland waxay ka codsanaysaa dalalka jaarka ah, iyo ururada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacansiinta abaabulka shirar ka dhan ah Qaranimada iyo Is-raacsanaanta Dhuleed ee Somaliland, iyo in ay Ixtiraamaan Soohdimaha Caalamiga ah iyo Qaranimada Somaliland, sida ay Somaliland u ixtiraamto una aqoonsantahay Soohdimaha Caalamiga ah”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Hanjabaadda Somaliland ayaa soo baxaysa dhawr maalmood ka dib, markii ay sida la sheegay Somaliland ciidamaddeeda ugala soo baxday Degmada Taleex oo ay kala wareegeen Khaatumo Caddaadis dibada kaga yimi.
Taleex
Magaaladda Qadiimiga ah ee Taleex ayaa waxa Maanta ka soo degay hogaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Khaatumo Cali Ciise Cabdi iyo Cali Khaliif Galaydh, kuwaasoo beryahanba la hadal hayay inay ku soo fool leeyihiin Shirka qabanqaabadiisu ka socoto Taleex ee Khaatumo3.
Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi
Labada Cali ayaa ah aasaaseyaashii Khaatumo, waxaanay saameyn ku leeyihiin siyaasadda Gobolka.
Cali Ciise Cabdi ayaa Madax ka ah Machad fadhigiiisu yahay Waddanka Itoobiya oo HASPI la yidhaahdo, kaasoo ka mid ah Machadada Caalamiga ah ee daraaseeya arrimaha siyaasadda iyo khilaafaadka Qaarada Afrika.
Cali Khaliif Galaydh ayaa isaguna ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dawladda federaalka Somaliya, horena Reysal-wasaare uga soo noqday Waddanka.
Shirka Khaatumo3 ayaa la doonayaa in lagu dhiso Maamul Goboleed rasmiya oo hoos-taga nidaamka Federaalka Somalia, iyadoo lagu bedelayo Maamulkii ku-meel gaadhka ahaa ee lagu doortay shirkii kan ka horeeyay oo ka qabsoomay isla degmadaasi.
Sidaa waxa Gobanimo u sheegay Agaasimaha Arrimaha Gudaha Maamulkaasi Maxamuud Sheikh Cumar oo dhawaan waraysi bixiyay.
Shirkan ayaa sida muuqata Taageero dhaqaale iyo mid siyaasaddeedba ka helaya Dawladda federaalka Soomaaliya oo dedaal ugu jirta sidii ay u shiiqin lahayd aragtidda siyaasaddeed ee gooni-isutaaga Somaliland, taasoo uu saameyn ku yeelanayo Maamul cusub oo ka faliidhmaa.
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa si weyn isha ugu haya sidii uu halkaasi saameyn ugu yeelan lahaa, iyadoo xukuumadda Cabdiwali Gaas dhaleecayn kulul u soo jeedisay weerarkii Ciidanka Somaliland ku qabsadeen Degmada Taleex.
Gacan ku haynta Gobolka Sool, ayaa yooyootankeedu soo taxnaa tan iyo markii labada maamul ee Somaliland iyo Puntland la aasaasay.
Deegaamo ku yaala Gobolkan ayaa waxa ku jira Shidaal iyo Gaas, kuwaasoo qaarkood ay dawladdii Siyaad Barre heshiis kula gashay Shirkaddo laga leeyahay dibadda.
Shirkaddahaasi ayaa la tilmaamaa inay qayb ka yihiin dhaqdhaqaaqyada lagu xasaradaynayo Gobolka ee dhinacyada siyaasadda laysugu garaacayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com