Hargeysa(GNA)-Maayir ku-xigeenka Magaaladda Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne oo qalabka Warbaahinta Maanta kula hadlay Hargeysa, ayaa bogaadiyay go’aanka Golaha deegaanka ee Degmada Sheffeild ku aqoonsadeen gooni-isutaaga Somaliland.
Cabdi Casiis Cago-weyne ayaa soo dhaweeyay talaabadaasi oo ay Xukuumadda iyo dadka Siyaasadda ku foogani ku tilmaameen guul diblomaasiyaddeed oo dariiqa u xaadhaysa aqoonsiga Somaliland.
Waxa uu ku hambalyeeyay Council-ka Sheffeild go’aanka ay qaateen oo uu ku tilmaamay mid ay ku dhici waayeen dawladdaha waaweyn ee Adduunku.
Inkasta oo aan faahfaahin dheeraad ah laga haynin go’aanka ka soo baxay coddeyn Golaha Deegaanka Sheffeild u qaadeen inay aqoonsadaan Madaxbanaanida Somaliland, hadana weftiyo ka kala socda Xukuumadda, Baarlamanka iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah ayaa xalayba kullaalayey Madasha Golluhu ku coddeynayo.
Weftiyadaasi waxa ka mida Wasiirro ka socda Xukuumadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajigu iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Halkan ka dhegeyso Hadalka Maayir ku xigeenka:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/codka-mayorka-xigeenka-somaliland-.mp3"][/audio]