Wednesday, April 2, 2014

Xukuumadeena Dhagax dhiga Badan!!!,W/Q Mohamoud Mohamed Abdilahi


Waxa ay wada hadal la furatay Somalia iyadoo aan qiimayn ama tixgalin Dastuurkii Qaranka somaliland, waliba ilaa maanta ku indho cad dahay.




 




Inline image 1Marka hore waxa aan salaan qaliya haawada u soo marinayaa dhamaan halwadeenada Website ka, ee hadh iyo habeen u taagan inay dadkooda soo gaadhsiiyaan warar xaqaa iqa ku salaysan.




 




Waxa ah wax laga yaxyaxo, arrinta ay ku talaab sanayso Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Ahmed maxamed maxamuud siilaanyo, oo malin walba la soo baxaysa ged cusub oo bulshada somaliland debad iyo gudaba ku noqota afkala qaad. Waxa aynu ogayn wax yaalo badan oo aan u fiicnayn hanaaka dawladnimo oo ay siyar iskaga dhex fadhiisatay iyadoo aan ka fakarin raadka iyo sumcad xumada ay ka tagayso waxa ay ku talaab sanayso, Nin baa laga hayay Maanagaa walan mise Cadan ayaa laga Heesayaa!!! Bal akhriste u fiirso inta dhacdo




 




 




 




 




ee xukuumada talada haysaa ay ku kacday mudadii ay maamulaysay Jamhuuriyada somaliland.




 




    Waxa ay wada hadal la furatay Somalia iyadoo aan qiimayn ama tixgalin Dastuurkii Qaranka somaliland, waliba ilaa maanta ku indho cad dahay.




 




    Waxa ay marqudha ka soo dhex Fadhiisatay Xafladii qoomiyadda Ethiopia iyadoo shaashadaha aynu ka daawanay madaxweyne heenii oo dhexfadhiya hogaamiye kooxeed yadii somalia.




 




    Waxa ay maleegtay Shirqoolo loo maleegay Xildhiban Qabile iyo Wargaysaka Hubal, oo aan illaa iyo maanta meel lagu xaliyay iyo cid u xidhani aanay jirin.




 




    Tuba tu ku Illaawe waxa dhacday Xisbiga Ucid oo ku dhisan sharci dastuuriya in loo diiday in uu ka boxo magaalada hargeisa, iyadoo kantaroolka lagu hor istaagay, laguna tuntay qodobada Dastuuriga ah ee qeexay jirida Xisbi Qaran.




 




    Waxa dhacday iyaduna in Warshadii Sibidhka ee Barbara Shaqsi Garacsade ah Warqad loo siyay oo la yidhi Qaado, Taasi waxay ku tusaysaa, musuq maasuqa Baahsan ee ka dhex socda Dawlada dhexe iyo sidaa cidna indha looga qarsanayn.




 




    Waxa aynu dhamaan ka wada markhaati nahay sidii foosha xumayd ee Xukuumada iyo Xisbigeedu Boobka cad ugu sameeyeen Doorashadii G/Deeganka ee ka dhacday dalka.




 




    Waxa kale oo iyana aan xasuusteena ka go'ay sidii qaawanayd ee Xukuumadu u dhex carartay hogaamintii Ciidanka qaranka oo ay marqudha ka dhigtay Kana Siib Kana Saar.




 




    Waxa iyaduna ahayd DHIDAR ONKOD KICIYAY !!! oo kale Markii Uu Geerydooday Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Qaranka Somaliland “”Maxamed Abdi Aadan Dhancade, oo ay ka soo daba Qaaday Magac (Tittle) Qabrigana ay ku dalacsiisay iydoo u quudhi weyday intii uu Noolaa.




 




    Waxa iydana dhega heena ka sii bixi la Musuq maasuqii dhex fadhiistay madaxtooyada ee Raashinkii Cumaan. illaa maanta meel uu Salka dhigtay aan loo sheegin Bulshada Somaliland.




 




    Xukuumadeena Surma Seegtada Badan, Waxa ay Dalka ka Mabnoocday in uu ka Shaqeeyo Dr. Macow, oo ah nin Dhakhtar ah, Aqoona Ulleh Caafimaadka, kagana soo shaqeeyay wadamo Badan oo Europe ah Sida Germany iyo UK. Iyadoo Fursadii ay u heleen Bukaan Socodka bulshadeenu in uu ku Daweeyo dalka gudihiisa, ay hor istaagtay iyadoon keenin Wax Macquul ah, oo lagu qanci karo, Taasi waxay ku tusaysaa halka ay aqoontoodu taagan tahay, iyo waliba qayral masuulnimada ay ku kacayaan.




 




    Shacabka Reer somaliland oo aan u sinayn Fursadaha shaqo,Waxbarasho ama horumar oo inta Bulsho u Baahan la dhex Cararo Tuulo loo dan leeyahay la tagayo ka dibta sida Kurtinka marba meel Dhagax la galinayo, Tusaale ahaan Tii ugu danbaysay ee Xirsi iyo Baashe Moorgan ay Ku tageen Warcibraan. Imisa Tuulo oo u baahan ayaa Boodh mooyee aan waxkale looga Tagin.




 




Akhriste hadaan tiriyo Turu turooyinka Xukuumada Talada haysa Boqolaal kor ayay u dhaafayaan, oo wayka ba teen Wax aynu xiligan soo wada bandhigi karno, qoraaladeena danbe ayaynu ku eegi doonaa.




 




“ Gabaaraydu Geela hayga Cuntee, Hakala Gudhiso Irmaanka iyo kii Guga Dhalay Waliba iyadii ayaysu kay Goddi "




 




Xukuumadeena Amaan jecel, waligeed kob caleen leh ka soo dur durin mayso maa daama ay kala doorbidayso Bulshaweynta Reer somaliland, Dawladnimana ku ma dhisnato sida ay wax u wadaan ee wax uun ayaa ku sii xumaada.




 




Waxa aan idinku dhaafayaa gabaygii Qaasim Illahay janada haka waraabiyee:-




 




Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe




 




Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede




 




Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye




 




Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e




 




Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e




 




Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye




 




Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey




 




Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye




 




Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e




 




Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne




 




Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne




 




Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye




 




Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye




 




Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye




 




Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide




 




Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e




Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye




Mohamoud Mohamed Abdilahi,




 




Yorkshire