Somaliland waa dal ku dhisan isku duubni iyo deegaano kala duwan oo isku tashaday waa dal yar oo doorta madaxweyne, kaas oo deegaanada iyo gobolada kala duwan ee dalka ka soo xusha xubno wasiiro ah oo uu ku tuhmayo dedaal iyo hawl karnimo aqoon uu filo in uu ku hanan karo isku xidhka horumarka adkaynta amaan qaranka ilaalinta amaanka somaliland.
wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waa mid kamida golaha wasiirada somaliland waana masuul uu madaxweynaha soomaliland mudane axmed maxamed siilaanyo uu ka soo xushay siyaasiyiinta gobolka sanaag waxa uu ahaa wasiir maxamuud xaashi xubin firfircoon oo ka mid ah xisbigii mucaaradka ahaa ee dalka sawirka sarcaadaysan u dhigay ee kulmiye waxaana uu ku dhawaaqistii doorashada kadib uu liiska hore ka galay xubnihii wasiirada ahaa ee madaxweyne siilaanyo qalinka ku duugay waxaana dad badan iyo deegaankii laga xushay u arkayeen masuul hanan kara hawlaha qaran ee loo dirtay, waxa uu ahaa masuul laga filayay midaynta isku keenista beelaha kala aragtida mowqifka iyo qawaaniinta duwan ee dega gobolka baaxada wayn ee sanaag waxaana lagu haminayay in uu noqdo:-
masuul taariikhda somaliland ka geli doona baal dahab ah haseyeeshee waxa uu noqday masuul taariikhda ku galay buug madow oo bilaa qalin ah.
waxaa laga filayay in uu isku keeno bullshada somaliland guud ahaan gaar ahaana deegaanka gobolka uu ka soo jeedo balse waxa uu noqday mid kala dilay dad is jeclaa oo isku deegaan ahaa dushana saartay godob aanay geyin gacalkiisu.
waxa uu noqday masuul fidmo ka dhex shiday waqtigii doorashada gobolka bari ee sanaag oo si xor ah oo xalaal ah doorashooyinku uga dhici jireen wuxuuna awood maroorsi iyo ku shubasho uu ku soo saaray ashkhaas uu dano gaar ah ka lahaa.
waxa ay dad badani ku yididiiloonayeen in wasiir maxamuud uu u sinaan doono bulshada kuna dadaali doono gudashada xilka qaran ee uu ilaahay ugu dhaartay hase yeeshee waxa uu noqday masuul bar tilmaameed u noqday laguna hal qabsado marka laga hadlayo hawlaha musuq-maasuqa, maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in anaga oo fadhina mid kamida hotelada magaalada hargaysa ay nagu ag cuntaynayeen sadex wiil oo suxufiyiin ah waxay ahaayeen kuwo aad u kaftamayay mid kamida waxay ku eedeeyeen in uu lunsaday lacag loogu dhiibay kadib mid kamid ah ayaa yidhi "WAR YAADHEHEEN DALKU MAXAMUUD XAASHI BADANAA'' waxaan aad ula yaabay hadalkii wiilkaas goor ay sheeko dhamaysteen ayaan waydiiyay waxa uu uga jeeday hadalkaas muga iyo micnaha waynaa wuxuuna ii sheegay in saaxiibkoodii sadexaad musuqmaasuqay uuna ugu duur xulkayay musuqmaasuqa wasiirkaas oo kale.
taasi waa mid kamida cadaymaha madmadowga badan ee hadheeyay wasaaradaas sidoo kale wasiir maxamuud xaashi waxa uu noqday masuulka keliya ee samaystay shakhsiyo dilaaliin u ah oo u kala dilaala isaga iyo warbaahinta wariyaha wax ka qorana isku daya in ay lacag ku joojiyaan warkiisa sumcadiisa suxufinimona ay dilaan.
somaliland waxay noqotay mid khatar u gasha musuqmaasuqa baahsan iyo madmadowga baaxada leh ee wasaaradan hadheeyay kuma koobna shaqada wasaaradan iyo wasiirku arimaha duulista iyo lunsiga hantida qaranka hase yeeshee waxa ay noqotay meel lagu kala dilo dadka isku deegaanada ah ee sanaag iyo saraar waxay noqotay wasaarad ka arimisa arimaha goboladaas wasiirkuna waxa uu madax u noqday xubno falqalateeyayaal ah oo fuliya ficilo aan loo bogin ku dhisan kala guris u kala hiilin u kala sedbursiimayn deeganadaasi tusaale ahaan wasiir maxamuud xaashi waxa uu godob kala dhex dhigay bulshada degta koonfurta sanaag oo uu ugu kala eexday qaybintii ergooyinka xisbiga kulmiye ka soo qayb gelaya shirweynihiisa sadexaad waxaana uu beeshiisa si badheedha uu ugu eexday beel kale oy isku haybyihiin waxa uu beeshiisa hoose ee deegaanka ceel afweyn uu siiyay sideetan Xubnood waxaana uu beesha degmada Xiis oo uu aad u necebyahay uu siiyay Lix xubnood oo qudha waana laba deegaan oo siman arintaasi waxay fejac ku noqotay bulshada reer ceeri gaabo oo uu xaqeedii siiyay beeshiisa oon deegaan rasmiya ka ahayn magaalada ceerigaabo.
somaliland waxa uu wasiir xaashi ku dhex noqday irbad sun ah oo ku mashquulsan durista dadka fayow iyo dilista dadkii liitay.
kedib fadeexada balaadhan ee wasiirkan iyo wasaaradiisa hadheysay waxa soo baxaya warar sheegaya in wasiirkan laga badali doono jagada waxaana uu xubin ka noqon doonaa isku shaandhaynta soo socota xukuumadii uu ku taami jiray hadaan la bedelina waxa gabaabsi ku dhow waqtigiisa hase yeeshee wasiirkan ayaa taariikh madow ka dhaxli doona dhibaatada qaran ee uu gaystay.
Qalinkii: Calimahdi Jibriil Xasan Shiikh.
Calimahdi1@gmail.com