Hargeysa(GNA) Apr.23.2014-Ciidamada Booliska ayaa xabsiga goor dhawayd u taxaabay Tifaftiraha Shabakada warar ee Qarninews Miyir Cali Xuseen.
wakhtiga la qabtay tafaftiraha ayaa uu ku gudaa jiray hawlihiisii shaqo ee maalinlaha ahaa ee wararka uu bulshada uu gudbiyo,ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhiga wariyaha balse waxa goor dhawayd laga qabtay agagaarka wasaaradda arrimaha Guddaha,oo sida caadiga ah ay inta badan wariyeyaashu fadhiistaan,ciidanka ayaa u kaxaystay wariyaha dhinaca xarunta CID-da oo markii cid ugu war dambaysay ay la galeen ciidankii qaabka afduuba ah u kaxaystay. si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee ay xidho xukuumadda madaxwayne silayo qof wariye ah waxaana usbuuxan oo kaliya dalka lagu xidhay ilaa saddex wariye halka mid kalena maxkamadda looga yeedhay,iyadoo ay taasina dheertahay weerarka joogtada ah iyo handidaada ay ku hayso shaqaalihii wargeyska haatuf.