Hargeysa(GNA)-Mid ka mid ah Askar shalay ku dhaawacantay iska hor-imaad jeelka dhexe ee Hargeysa ku dhex maray Ilaaladda Xabsiga iyo Maxaabiis isku dayay inay baxsadaan ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaadhay,Salaasadii shalay gelinkii dambe.
Shan Maxbuus ayaa isku dayay inay ka fakataan Xabsiga Hargeysa, kuwaasoo rasaas ku riday askartii ilaalinaysay, Axaddii Todobaadkan. waxaanay qaarkood ku guulaysteen inay xabsiga dibada uga baxaan, iyadoo laga soo qab-qabtay dibada.
Hal askari oo Asluub ah ayaa ku dhintay rasaasta Maxaabiista ugu yaraan afar kalena way u dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanku.
Mid kale oo ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa ku geeriyooday Cisbitaalk Hargeysa oo maalintaasi la dhigay, kaddib markii dhaawac culus uu ka soo gaadhay rasaastii Maxaabiistu furtay, sida ay Gobanimo news u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Maanta.
Marxuumka ayaa Maanta la aasay, inkasta oo Ehelladoodusida la sheegay ilaa xalay ay dalbanayeen in intaan la aasin dawladdu u caddeyso cida dishay.
Maydka ayaa ilaa xalay yaalay Taliska ciidanka Birmadka halkaasoo saaka xili dambe laga qaaday.
Ciidanka Asluubta Somaliland ayaan ilaa hada ka hadal sida ay ku timi dhacdadii jeelka oo dadka badankiisu u arkaan mid la soo maleegay oo ay qayb ka ahaayeen Saraakiisha Xabsigu.
Dhacdadan jeelka ka dhacday ayaa loo xidh-xidhay saraakiil ciidanka ka tirsan iyo dad ay ehelo yihiin qaar ka mid ah Maxaabiista isku dayga fuliyay.
Wasiirka Cadaaladda Somaliland ayaa Isniintii sheegay inay baadhis ku samaynayaan falkan sababta dhalisay.
Xabsiga Hargeysa ayaa waxa ku xidhan maxaabiis dambiyo culus loo haysto oo qaarkood dibada laga soo wareejiyay, ka dib markii Maxkamaddo dalal kale xukun ku rideen.
waxaana ka mid ah 29 Budhcad badeednimo u xidhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com