Thursday, April 3, 2014

Haweenka iyo Qurbo-jooga oo Saami gaar ah laga siiyay Ergadda shirweynaha Kulmiye


Muuse Biixi: saddex qodob ayaa xalintoodu nagu adkaadeen oo sababay in Ergada lagu daro 221”Shir-jaraa’id




MuusebHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta warbaahinta uga waramay sababaha loo kordhiyey Ergada Shirweynaha Muddo dhaafay ee Xisbiga oo lagu daray 221, ka dib markii saluug badani ka soo noqday qaabkii hore ee Ergada loo qaybiyay.




Ergada Shirweynaha kulmiye ka qayb-galaya ayaa laga dhigay 1162, tiradaasoo noqonaysa tii ugu badnayd ee ka qayb-gasha  Shirweyne Xisbi siyaasaddeed.




Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dib u dhicii ugu dambeeyay ee Shirweynaha Xisbiga oo ku beegnayd 22 bishii la soo dhaafay, ku timi qodobo ku saabsan Qaybinta Ergooyinka oo Guddida qabanqaabadu maaro u wayday.




Qodobaddaasi waxa ka mid ahaa sidii Haweenka iyo qurba-joogu saami ku filan ugu yeelan lahaayeen Ergada iyo sidii laysu waafajin lahaa qaabka beelaysan ee loo qaybiyay iyo Gobollaysiga




“Gudida Qaban qaabada oo ah gudi farsamo oo aanu hawshan u dirnay meel fiican ayey soo gaadhsiisay hase yeeshee qodobada qaar baa ku adkaaday oo ay u baahdeen In hogaanku la eego,waxaanay qodobadaas  noo keeneen sabtidii saddex cishana waanu ku dhamaynay,sadexdaa cishana wax dhibaata ah iyo wax rafaada oo naga gaadhayna ma jirin”.




Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo sharaxaya qodobada guddida qabanqaabadu xalinteeda ku soo celiyeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin saami siinta Qurbo-jooga iyo Haweenka, “qodobada ku adkaaday Guddida waxa weeye sidii sharciyad loo waafajin lahaa ergada la siinayo Dadkii Xisbiga ku soo biiray ee aan hore ugu jirin,  halka culaysku naga haystay gudida qaban qaabada haysatayna taasa ayey ahayd.




Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “waxa kale oo nagu soo baxay laba qodob oo kale oo qaban qaabada gacantoodu xalin Karin weyday .




“Marka wixii gobolo la geeyo ama degmooyin somalidu dhawr cudur oo ay qabaan ayaa ku jira oo markaaba ay isha ku eegayso dabadeed  Inanta waxba looma ogala kay u dhaxday iyo kay ka dhalatayba, halkaas waxaa nooga soo baxday inaan dumarkii aanu wax gaara u qabano oo la siiyo”.




Ka saddexaadna waxa weeye marka gobolladii iyo deegaamada wixii la siiyay  la geeyay ee qabaa’il lagu saleeyey, qurba joogii waxba u hanbayn maayaan, dabadeed taasina waxay noqotay inaan qayb aanu u goyno  qurbo-jooga, taas ayaa sababtay inaan 221 ergada ku darno”.




Muuse Biixi ayaa ugu dambey sheegay “tiradda guudna waxay noqotay 1162-Xubnood oo Ergooyin ah waayo waxaanu ku darnay tiro badan”.




Xisbiga Kulmiye ayaa Taageero wayn ku lahaa Qurbo-jooga kala duwan ee Somaliland oo door weyn ka soo qaatay guushii Xisbigu ku hantay hogaaminta dalka.




Sidoo kale haweenka iyo Dhalinyarada ayaa ka mid ahaa Baalasha ugu firin-fircoon ee Xisbigaasi ku duulo.




Dhamaan dhinacyadan oo dhan ayaa si weyn uga dhex muuqda Xukuumadda Xisbiga kulmiye ka timi ee waddanka hogaaminaysa.




Saleban cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@gobanimonews.com