Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Xirsi (Qorax) ayaa iska casilay xubinimadiisii Baarlamaanka, kadib markii uu sheegay in aanay wali dalka ka dhicin Is bedelkii uu filayay.
Mudanahan is casilay oo ka soo jeeda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu ku sheegay in dib ugu celiyay kursigan Odayaashii dhaqanka ee isaga soo doortay.
"Aniga waxaa ku fikirayay mar hadii laga baxay xilligii KMG, loona gudbay dowlad rasmi ah in dalka is bedel muuqda laga sameyn karo, balse taas ma muuqato, waana mida igu kaliftay inaan xilkeyga iska casilo"ayuu yiri Xildhibaankan.
Waxaa uu sheegay in sababaha kale ee uu isku casilay ay tahay in aanay isku dhigmin mushaarka ay qaataan iyo howsha ay qabtaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid xaq daro ah, maadaama lacagaha mushaarka ay qaataan Xildhibaanada ay ku timaadaan cashuur laga qaado shacabka.
Xildhibaankan ayaa sidoo kale sheegay in cabasho beeshiisa ay qabtay aanu isaga fulin karin cabashooyikaas, sidaas darteedna uu ku go'aansaday inuu ka tago Baarlamaanka Soomaaliya ee la dhisay Agosto sanadkii 2012.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo aheyd Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibada loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka, markii uu is casilay Xildhibaan kale oo istiqaalad u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.
Ma ahan markii u horeysay oo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka uu iska casilo, iyadoo inta badan Xildhibaanada is casilay booskooda lagu bedelo kuwo kale oo heyb ahaan wadaaga, maadaama uu dhigayo awood qeybsiga 4.5 in Xildhibaan is casila ama dhinta booskiisa lagu bedelo mid kale oo ku heyb ah.