“ka qayb-geli mayno Diwaan-gelinta “Baaq
Hargeysa(GNA)-Baaq Qoraal ah ayaa ka soo baxay Aqoonyahanka Deegaamada Koonfurta Hargeysa, kaasoo ka kooban dhowr qodob oo xaasaasiya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay inaanay Beesha Ciidagale ka qayb geli doonin Diwaan-gelinta Doorashooyinka sababo la xidhiidha tabaho awgeed.
Bulshada deegaamada Koonfurta Hargeysa ee baaqa soo saaray ayaa dalbaday in 40% looga jaro dakhliga ka soo xerooda Madaarka Hargeysa, si degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooga loogu horumarinayo.
Arrintan ayaa noqonaysa markii koowaad, waxaanu Baaqa ka soo baxay Beehu u dhignaa sidan:
“Ayaamahan waxa shir uga socday caasimada Jamhuuriyada Somaliland aqoonyanka beelaha Daauud Sh.Ismaaciil(Ciidagale),waxaanay ka shirayeen danaha degaanadooda iyo danaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Gabagabadii shirka waxay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ugu baaqayaan:
1.Inaanay ka qayb geli doonin diiwaan-gelinta,sababta oo ah:
a)Labada guddi oo aanay beelaha Daauud ku lahayn xubin.
2)Dakhliga madaarka hargeysa waa in degmada M/Haybe iyo degmada M/Mooge loo reebaa 40% si horumarka labada degmo kor loogu qaado.
3.Cashuuraha ka soo baxa labada degmo ee M/Haybe iyo M/Mooge loo reebaa 30%.
Mar labaad waxa aanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inaanay beelaha Daauud ka qayb geli doonin mar hadii xaqii iyo tixgelintii ay lahaayeen xukuumadaadu laashay oo aan haba yaraatee 2da guddi midnaba xubno aan lagaga soo darin.
Waxa kale oo aanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in dhakhso loo fuliyo arrimaha aanu ku cadaynay qodobka 2aad iyo ka 3aad.
Allaa Mahad Leh
Guddida Aqoonyahanka beelaha
Daauud Sh.Ismaaciil(Ciidagale)
Hargeysa-Jamhuuriyada Somaliland