Wednesday, April 2, 2014

Hargeysa: Ganacsade lagu eedeeyay inuu 11 sanaddood Dhul ku haysto qoys Agoon ah


Cismaan Hindi oo iska fogeeyay Eedda loo jeediyay .




Muranka Dhulku waa mushilad soo taxnayd ilaa markii dawladnimadu cagaha isku taagtay oo aan maaro loo helin, warbaahintuna waa Garsoor aan wax xukumin..Warbixin




Hindi2Hargeysa(GNA)-Shugri Diiriye Warsame  waa haweenay sheegtay inay haysato Caruur agoon ah oo aan Aabe lahayn, degena Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland.




Waxay cabasho xooggan iyo walaac ka muujisay Dhul ay sheegtay inuu sharci daro kaga qaadayo Ganacsade Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah Ganacsade hore siyaasadda ugu jiray, xiligii xukuumaddii UDUB, xilalna ka soo qabtay xisbigaasi UDUB iyo Kulmiye.




Dhulka ayay sheegtay Shugri  inay ku leeyihiin  iyada iyo caruurteedu Degmada kood-buur, kaasoo dacwadda ka dhaxaysa Cismaan Hindi wali Maxkamadaha ku jirto, balse sida ay sheegtay uu xoog kaga qaadayaa Ganacsadaha oo hore gacan uga helay Maayir ku-xigeenka Caasimaddu.




Hase ahaatee Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo Gobanimonews u cabashada Gabadhan wax ka waydiisay ayaa ku gacan saydhay eedda loo jeediyay, isagoo meesha ka saaray jiritaanka Dhul uu cid ka qaadayo  ama uu ku haysto toona.




Qoraal cabasho ah oo ay Shugri Diiriye Warsame soo gaadhsiisay Xafiiska Warqabadka Gobanimonews ee Magaalada Hargeysa ayay fariin ugu dirtay bahda Cadaaladda ee heer qaran iyo Madaxweynaha  dalka.




Cabashada Qoyska




Waxaanu qoraalkeedu dhignaa sidan “Anigoo ah Muwaadinada Shugri Diiriye Warsame Mudo 11 Koob iyo Toban Sanadood ah ayaa waxaa laygu haystay Dhul aan Hooyaday ka dhaxlay Anoo Haysta Caruur Agoon ah.




Dhulkaas oo ku yaala Magaalada Hargaysa Degmada Koodbuur gaar ahaan Xaafada Jigjiga yar,Dhulkaas  markii ugu horaysay Hal Baloodh ayaa nalagu qabsaday,Markii danbena dhulkii xayiraad ayaa la saaray,dhulkii oo xayiran ayay hadana yidhaahdeen baloodh kale ayaa nalaga iibiyay.




Maxkamada sare ayaa meeshii tagtay oo la yidhi soo cadeeya hadana markii ay halkaas maraysay ee maxkada sare soo cadaysay ayaa maayar ku xigeenka hargaysa u sameeyay warqad  Mulkiyada inuu leeyahay Cismaan Hindi.




hadaba waxaanu Golayaasha Qaranka, Bahada cadaalada,cida ay khusayso,Umada reer somaliland iyo Madaxwayanahaba ka codsanaynaa in nalaga qabto ninka hantidayada doonaya inuu sharci darada iyo xooga nagaga qaado,isaga oo na tun jileecsaday anaga oo agoon iyo dumar ah.




waxaanu nagu yidhi Barri ayaa ka timaadeen,”ayey cabashaddeeda ku sheegtay.




Cismaan Hindi oo iska difaacay Eedda Aggoonta




Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo sidan kor ku sheegnay Ninka laga cabanayo ah ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo inay jirto eedda loo jeedinayaa iyo in kale, balse waxa uu su’aalihii aanu waydiinay  jawaabtooda ku soo uruuriyay “anigu cid aan Dhul ku haysto iyo cid aan xoog kaga qaadayo Hanti ay leedahay toona ma jirto, mana garanayo”ayuu yidhi.




Muranka Dhulku waa joogto.




Muranka iyo isku qabqabsiga Dhulka ayaa inta badan joogto ah Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday ee nabadda la helay.




Sidoo kale dacwadaha ay Garsoorka ka furtaan dadka isku haysta Dhulku ayaa ku raaga ama aan inta badan ka soo bixin Maxkamaddaha, iyadoo ay dacwoodeyaasha iyo la dacweeyayaashuba lacag laaluush ah ku bixiyaan sidii loogu xukumi lahaa.




Dadka qaar ayaa aaminsan inay Garsooreyaashu aakhirka u xukumaan Mulkiyadda Dhulka laysku dacweeyo qofka lacagta ugu badan ee laaluusha bixiya.




Laakiinse taasi waa dacaayad loo jeediyo Garsooreyaasha oo aanay dawladdu  dhaqaale ku filan ama mushahar wanaagsan siinin.




Tani waa mushkilad ay dhamaantood kala dhaxleen xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray tan iyo 1996-kii oo dawladnimadu cagaha ku istaagtay.




Waxaanad marka aad tagto goobaha Garsoorka ku arkaysaa dacwado Dhul oo ilaa xiligaasi iyo wakhti ku dhow Maxkamaddaha ku jiray oo aan wali go’aan kama dambeys ah laga gaadhin.




Taas ayaa sababtay inay Shicibku cabasho cadaalad daro u soo gudbiyaan mar kasta warbaahinta iyagoo ka ashkatooyinaya Eex garsoore ama go’aan liddi ku ah oo xukun.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@gobanimonews.com