Wednesday, April 2, 2014

Somalia:Ceel-buur ma Ciqaab wadareedbaa ka socda?


CeelbuueSoomaaliya waxaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ku jirtay jab iyo hoog. Dhibkaas siyaalo kala duwan ayay umadda u saamaysey.




Dadbaa tashaday oo maamulo madaxbanaan sameystey. Dadbaa daf iyo duulaan degaamo ku qabsaday kuna duni sameystay. Dadbaa sirta siyaasadda adduunka fahmay oo jago iyo jawhar lagaceed ku qaata argagixiso ayaan la dagaalaynaa. Meeshii argagixisada laga kacshana ka sameysto maamulo ah warshado lacag iyo xoolo lagu cuno.




Markii argagixisada laga xureeyay magaalada Ceelbuur waxaa la filayay in dawladda isku hawsho sidii gargargaar ey ula gaari lahayd dadkii daruur xurriyo aanan arag todobadii sano ee la soo dhaafy. Dhalinyartii iyo duqowdii reer Ceelbuur marna waxaa xabadeeyaa Xabashi marna waxaa soosha shabaab, wixii inta ka haray oo caruur iyo haween ahna waxay u dhamaadeen gaajo iyo biyo la’aan.




Sida dhacda degmooyinka laga saaro alshabaab, madaxda dowladda federalka Somaliya wexey u fidiyaan gargaar deg-deg ah sida in amaanka shacabka oo la sugo, lala gaaro gargaar degdega ah sida daawooyin iyo raashinba, in maamul ku meel gaar loo sameeyo degaananadaas, hase yeeshee waxaan aragnaa in ceelbuur loo dhaafay ciidamada ethiopianka ah een aqoonta badan u laheyn degaanada iyo dadka soomaaliyeed, oo aan ka war heyno in umadda soomaaliyeedna eysan ciidan Ethiopian ah u arag nacfi nacab mooyiye. Waxaa na soo gaareysa in ethiopiankii ey magaaladii iska degeen dadkiina ey ka qaxeen. Intii qaxdayna ey alshabaab u qafaalan yihiin oo eysan biyona doonan Karin baadna haba sheegin. Waxaa intaa dheer in ey ceelashii ey xooluhu cabi jireen ka duugeen magaalada .




Waxaa intaa dheer cidey qorshaha ugu jirto ma leh inay dadkaas tabaalaysan wax loo qabto. Duqowdii Karanle ee shalay dawladda Xasan ka waayey daryeelka dadka deggan Buulo mareer, Dayniile, Dameeraaley , Doonka iyo tunka Taytayley, marabaan inay mar kale waji-gabax la kulmaan. Soomaalida waxay tiraah “Nin fadhi kugu arko, looma saro joogsado”. Gobnimada waa lagu dhashaaye, waxay odayaashii dhaafi la’yihiin “WAA BAAHANAHAY BAKHTI LOOMA CUNO”.




Waxaase dadka siyaasadda Soomaaliyeed qaadaan dhiga, ayaa ka fajacsan sababta cunaqabateyntii lagu hayey siyaasiinta iyo wax garadka Karanlaha loo sii salbalaarshay si dhibaatada ay u taabato canugga caawa ku dhashay ceel buur iyo duleedkeeda.




Waxay is weydiinayaan sababta qabiilada qalinka u hayo Madaxweynaha, marna ugu bareereen baro kicinta Karanle, markalena isku bahaysteen cunsirtirkooda. Maxay ka helayaan hoojinta dad marna abti u ah marna adeerkood oo curadkood ahaa ah. Sow ma oga maamaahdii ahayd “Colkii curudkooda cadaaba, ciil kama baxaan”. May caqli yeeshaan, yeysan iyagana la caga jarine.




Ma Cali Dheerihii umadda oo idil dhibayay ayaa looga aargudayaa, oo waa siyaasaddii “Mass Punishment” oo Naaziyiinta iyo Faashiistayaasha ku dhaqmi jireen. Taas hadday sababta tahay, yaa iyaga ka Cali-dheere badan. Annaga haddii hal Calidheere nagula ibtileeyey, ma arkaan miyaa cali-dheerayaashooda umulodooxa ah, madaxa-gooyaha ah, masiir laawayaasha ah, oo maanta qaarkooda gacansaar la leh maamulka Xasan.




 




 




Sida hadda ka hor dhacdayba dadweynaha reer ceelbuurka ah waxaa dhibaato u geystay labada dhinac ee alshabaabka iyo ethiopinaka, iyadoo ethiopenku shacabka naf la mahiibka ah ku edeynayaan in ey la shaqeeyaan alshaab sidaasna ey uga dileen dad aan waxba geysan oo magaaldoodii jooga iyo alshaab oo ku edeeynaya in ey magaalada u tagaan in ey khabaar u geeyaan ethiopeanka.




Si arrinkaas ey uga badbaadaan wexey ku khasabtay in dadkii ey u qaxaan meelaha magaalooyinka ka baxsan qaarna xamar ayey u soo qaxeen iyo magaalooyin kale.




Dowladda waxaan kula talineynaa in ey sida ugu dhaqsaha badan ceelbuur iyo magaalooyimka ku dhowdhow ugu diraan guddi siyaasadeed oo wax ka qabta dhibaatooyonka ka jira deegaankaas inta goori goor tahay.




Haddii ey sidaas dhicin koleytaba ciidamada ethiopennka ah waa la go’doominayaa sidii hadda ka hor dhacdayba arrinkuna wuxuu gaarayaa meelxun iyo masiibo hor leh.




Waa in shacabka laga soo gooyaa qolooyinka maskaxda ka qaldaaya uguna yeeraaya in ey waddankooda difaacaan una shihiidaan.




Dad ka degaanku wexey u dhexeeyaan labo cadow midna waa shabaab midna waa ethiopen, midka saddaxeeyn kara dhanka wanaagga waa dowladda federalka ah , haddii eyse dhegaha ka laabato arrinkaas markaas saddex cadow in ey yeeshaan umdda ku nool degaankaas ayey noqoneysaa.




Waxaa loo baahan yahay marka ugu horeysa in la diro guddi isugu jira siyaasiyiin, odayaal dhaqameedka degaanka, culumaaudiin, milleri-police iyo civil services dakhaatiir iyo maamul ku meel gaar ah. Marka xiga waa in lala gaaraa dadka qaxay daawo iyo raashin sababtoo ah xilli jiilaal ayaaa lagu jiraa.




Ugu danbeyn waa in maamul ku mel gaar ah iyo ciidan madani ah oo u dhashay degaanka loo yagleelaa degaankaas. Sidaas ayaa ummada ugu maqan dibadaha ee u dhashay degaanka kula shaqeyn karaan maamuladaas la yagleelay inta aanan la sameyn arrimahaas xaaladdu waa ciil iyo carro ku sii krorta dadka degaankaas.




 “Madax meel ka sareeyso oo la salaaxo ma jirto” ayaa layiriye madaxweynaha, Primeministerka iyo wasiikiisa daakhiliga ayaan masuuliyada madaxa ka saareynaa haddii arrinkaas wax laga qaban waayo sida ugu dhaqsoha badan sabatoo ah dadka degaanka u dhashay hadda ka hor ayey uga dacwoodeen cadaalad darrada ey ku hayaan.




La ogaan doonee haddii ey arrintaasi aheyd mid meell cidla ah laga abuuray ama ey jirto cadaalad darro iyo ismoogeysiin ula kac ah. Waxaanse ugu danbeyn kula talinaynaa in dawladda Xasan iyo C/wali inay mar labaad isku laabato, caqli wanaagsanna la timaado; waayo “CIQAAB WADAREYD CAQLI MA AHEE”.




Wa bilaahi towfiiq




W/Q Mh Mohamed