Eng. Xuseen Cabdi Ducaale “Wasiirka Ugu Kartida iyo Wax-qabadka Badan Wasiiradda”Faallo: By Weriye Axmed Maxamuud
Waa aqoon yahan si aad ah ugu xeel dheer khibrad iyo waayo aragnimana u leh arrimaha la xidhiidha siyaabaha looga faa’iidaysto Tamarta iyo soo saarista iyo khayraadka kala duwan ee dhulka hoostiisa ku jira, isla markaana muddo ku dhawr 30-sanadood ka shaqaynayay hawlahaasi isaga oo la shaqaynayay shirkad Maraykan ah.
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu ka mid yahay xubnaha safka hore kaga jira golaha wasiiradda ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sidoo kale ka mid yahay wasiiradda muraayadda u ah waxqabadka baaxadda leh ee ay ku talaabsatay xukuumadda hadda talada wadanka haysaa, isaga oo ah wasiir Ducaale shaqsi ku caanbxay hawl karnimo, daacadnimo iyo isaga oo aqoon iyo khibard dheer u leh shaqadda wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee uu wasiirka ka yahay.
Waxaana taasi markhaati cad u ah sida uu ugu dedaalayo mar walba ugana go’an tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisaba ugu adeego si daacad ah, isla markaana uu bulshadiisa uga faa’iideeyo uguna soo saaro nimcadda iyo khayraadka dihin ee aan weli la taaban ee dalkeena ku jira, sida Shiidaalka iyo noocyada kala duwan ee macdanaha dalkeena laga heli karo ee ay bulshadeenu ka aradan tahay.
Wasiir Eng. Ducaale, ayaa mudadii uu xilka hayey waxa uu ku tallaabsaday horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh isaga oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyay hawlahaasi, waxaanu beesha caalamka iyo shirkadaha waaweyn ee dunida gaadhsiiyey oo uu baray khayraadka, dihin ee ku duugan dhulka Somaliland iyo sidii looga faa’iidayn lahaa bulshadda reer Somaliland.
waxaanu suurto geliyey in uu abuuro jawi ah inuu caalamka fahamsiiyo noocyadda kala duwan ee khayraadka dihin ee dalkeena ka buuxa iyo sidii uu ugu soo jeedin lahaa indhaha shirkaddaha dunida ugu caansan ee ka shaqeeya arrimaha baadhista Shiidaalka iyo macdahana kala duwan, sida kuwa shiidaalka Qoda iyo kuwa sahmiyaba.Isla markaana waxa uu shirar iyo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Shirkadda dunida ugu waaweyn ee ku xeesha dheer arrimaha ku tacaluqa Samahaminta Shiidaalka.
waxaanu sameeyey qorshe balaadhan oo uu ku doonayo sidii ay bulshada Somaliland uga bixi lahayd Gaajadda iyo Faqriga, isla markaana ay u heli lahaayeen dhaqaale taasi oo ah in la helo qorshihii loogu soo saari lahaa khayraadka dihin ee dalkooda ku duugan ay uga faa’iidaysan lahaayeen, si ay baahida iyo gaajada haysatadda uga baxaan.
waxqabadka iyo horumarka balaadhan ee uu ku talaabsaday masuulkani waxa kale oo aynu ka xusi karnaa Safaro kala duwan oo uu ku tegay wadamadda ka tirsan qaaradaha Yurub, Aasiya, Ameerika, Africa iyo dunida inteeda kale, isla markaana uu u iibgaynayey una soo bandhigayay dawladahaasi uu la kulmay khayraadka dalkiisa ku jira ee u baahan in la soo saaro. Eng. Xuseen waxa uu dalka keenay shirkado badan oo ay ka mid tahay shirkad laga leeyahay dalka Canada, taasi oo uu la galeen heshiis dhinaca baadhista macdanta ah, iyada oo baadhitaanno sahan ah ka wada degaanno ka mid ah gobollada galbeedka Somaliland.Sidoo kale wasiir Ducaale waxa u suurto gashay in uu shirkado tiro badan oo kala socda wadamo caalamka ah heshiisyo la galay qaarna uu dalka keenay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Shirkada la yidhaahdo Genel Energy ,OPHIR Energy, Asante Oil, Prime Resources, Oil PLC, GUANGS HOU, DONGSON ENERGY, TGS-NOPEC iyo RAK-gas.
Waxaana ka mid ah shirkadaha uu wasiirku ku guulaystay in ay dalka yimaadaan, isla markaana ay hawlo dhinaca shiidaal baadhista ah ka sameeyaan Shirkadda Genel Energy oo ah shirkad laga leeyahay dalka UK, taasi oo ka shaqaysa hawlaha dhinaca sahaminta Shiidaalka, waxaanay shirkadaasi shaqo sahaminta shiidaalka ah ka samaysay deegaamo ka tirsan goboladda bari ee dalka.
Sidoo kale waxa ay wasiirka heshiis hor dhac ah wada galeen Shirkada Guanghou Dong Song Energy, ka dib markii muddo laba maalmood ah ay u socdeen wada hadallo, iyada oo ay heshiis ku gaadheen in ay si ku meel gaadh ah baadhitaan dhinaca macdanta ah ka samayso dalka.
Dhinaca kale mudooyinkan danbe waxaa soo baxay dad ku ceesha war-xumo tashiilka, kuwaasi oo caado ka dhigtay cayda iyo aflagaadada dadka Masuuliyiinta ah ee sida daacada ah qaranka iyo dadkoodaba ugu adeegaya, kuwaasi oo si gaar ah u weerara wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, xubnahaasi oo ay ka dhex muuqdaan in ay dano gaar ah leeyihiin.
Waxaana jira shakhsiyaad ka xun dedaalkiisa iyo wadaniyada hadhaysay ee uu doonaayo inuu ka midho dhaliyo wax qabadkiisa, isaga oo aan cidna magan uga ahayn. Haddaba kuwa doonayo in meesha laga saaro, waa kuwo aan dan guud u socon, bal se u socda danahooda gaarka ah oo markii ay wasiirka ka dalbadeen in uu iyaga si shaqsi ah wax u siiyo ee uu wasiirkuna ka diiday ka dib bilaabay in ay eedaymo, dhaleecayn, cay iyo canbaarayn raqiis ah la daba taag naadaan.
Waxaanan leenahay Wasiirka Macdantu waxa uu bulshadda Somaliland uu ficil ugu muujiyay in bulshadiisu uga faa’iideeyo cilmigiisa iyo aqoontiisa, isla markaana uu wadanka horumar gaadhsiinayo, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Waa masuul u guntaday xaqiijinta hadafka iyo himilada Xukuumadda ee ku wajahan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii uu dadka reer Somaliland ugaga faa’iidayn lahaa khayraadka dhulkooda ku duugan. waxaanu mudan yahay in lagu bogaadiyo dedaalkiisa ku aadan sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba si daacad ah ugu adeegi lahaa isla markaana aanu dheg u dhigin inta xumaanta faafinaysa ee bulshadda suuska iyo naxliga kala dhex dhigaysa.
Hadaba waxa cad in aanu wasiirku ahayn shakhsi doonaya inuu xilkan uga faa’iideysto dan gaara, bal se waa shakhsi ay ka muuqato in uu danihiisa gaarka ah ka hormariyey danta guud iyo horumarka dalka, Waana masuul ka foojigan wax kasto oo wax u dhimaya sumcadiisa, sharaftiisa iyo tan xukuumadaba, waxna ma yeeli karaan shirqoolka iyo canbaaraynta ay ku sheegayaan dadka danaha gaarka wada, ee ku eedaynaya waxaan sal iyo raad toona lahayn ee ay suuqa la wareegayaan.