Tuesday, April 22, 2014

Gudoomiyaha Haatuf Oo Beeniyey In Xeer-ilaalinta Ama Maxkamadu Waraaqo U Yeedhis Ah U Keentay


Hargeysa, April 22, 2014 (GNA) – Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa beeniyey in waraaqo yeedhis ah looga keenay xeer-ilaalinta ama maxkamada gobolka Hargeysa haba-yaraatee.




Hadalkan Mr Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu daba socday war ka soo baxay ku xeenka xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa Cismaan Mire oo uu ku sheegayo in Yuusuf Cabdi Gaboobe diiday inuu u hogaansamo waraaqo yeedhis ah oo uu xafiiska xeer-ilaalinta gobolku usoo diray isaga iyo tifaftiraha wargeyska Haatuf-ba.




Hadaba gudoomiyaha Haatuf ayaa arintaa ku tilmaamay sheeko rakhiis ah oo been ah oo ay soo dhistay madaxtooyada Somaliland,  waxaanu yidhi “Ninkan ku xigeenka xeer-ilaaliyaha gobalka sheeganaya warqad uu na soo gaadhsiiyey daayoo waligay maanta ka hor maanu maqal magaciisa mana jirto wax warqad ah oo xeer-ilaalinta ama maxkamada ka timid oo lana soo gaadhsiiyey”




Yuusuf isagoo arintan sii faahfaahinaya wuxuu intaas ku ladhay “Warqadii xukunkii xayiraada ee ay hore u gaadheen iyagoo isu ah garsoorihii, xeer-ilaaliyihii, baadhihii iyo markhaatigii intaba ayaanay ilaa hada si rasmi ah noo soo gaadhsiin macdala waraaqo cusub oo kale.




Waa beentii ay Hubaal ka sheegi jireen oo kale ee ay odhan jireen waxay diideen inay maxkamada yimaadaan ee ay dabeeto xukunka ka gaadheen, waana xeelad ay ina-Fadal iyo Baashe Cawil isla yaqaanaan markay fulinayaan shirqoolada ay u maleegaan saxaafada”.




Xigasho: haatuf.net