Tuesday, April 22, 2014

Masuul hore iyo Samo-talis u xidhan Maayirka Allaybaday saddex Beri “Gabiley”


Cabashadda Bulshada Deegaanka oo cabasho tacadiyo hore lagu ladhay Madaxweynaha u gudbiyay




Daa'uudAllaybaday, (GNA) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Alaybaday Daa’uud Maxamuud Cawaale (Daa’uud Yoome) iyo Cabdixakiim Cumar Cabdi oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee deegaankaasi ayaa maalintii labaad u xidhan maayarka magaalada Allaybaday.




Eheladda odayaashan Xidhxidhan oo saxaafadda la soo xidhiidhay ayaa sheegay in aan illaa hadda sabab rasmi ah oo lagu xidhay madaxdan aanay garanayn, balse ay ogyihiin kaliya in xadhigoodda uu amray Maayarka Allaybaday oo ay ku eedeeyeen inuu muddo dheer tacadi ku hayay.




“Tusaale ahaan Daa’uud Yoome oo guddoomiye ku xigeen ahaan jiray. Waa hore ayaa xilkaas ugu danbeysay oo kumuu soo dhawaan. Haddana, waa macalin caruurta wax bara, sabab loo xidho oo ay maayarka isugu yimaadaana ma garanayno.




Balse, waxaa aanu ognahay Tacadiyo ka horeeyay xadhigan oo ay ka mid-tahay xataa inuu u diiday inuu Beertiisa qoto. Halka uu la gaadhay, wax kallena maahee waxaanu u malaynay in maayarku u baqayo xilkiisa. Laakiin, ninkani waabu ka baxay siyaasad oo kuma soo dhawaan.




Markaa masuuliyiinta Arrimaha gudaha, Madaxtooyadda iyo cid kasta oo ay khusayso waxaanu leenahay waa in laga qabto Maayarkan ku amar ku taaglaynaya dadka shacabka ah.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka cabashaddan na soo gaadhsiiyay.




Dhinaca kale,waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno maayarka Allaybaday si aanu wax uga weydiino cabashaddan, mana ay suurta-gelin in aanu hello.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com