Tuesday, April 22, 2014

Madaxweynaha Brundi oo booqasho ku yimi Soomaaliya


Madaxweyne Xasan Sheikh oo hadallo debecsan ku soo dhaweeyay iyo Booqashadiisa Xeryaha Ciidanka..




Burdi   Mogadishu, 22 April 2014(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta soo dhoweeyey Madaxweynaha Brundi, H.E. Pierre Nkurunziza.Burdis




Brundi ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee Ciidamada Nabad- ilaalinta ah u soo diray Somaliya sanadkii 2007-dii, kuwaasoo hawl-galo amaanka Dalka wax ka bedelay wali ka sii wada Gobollada Soomaaliya.




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhaweynta ka dib warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inay Ciidamada Brundi ee Nabad-ilaalinta ku jooga waddankiisu door weyn kaga jiraan qorshaha dib u soo celinta nabad-gelyada, dalkan colaaduhu halakeeyeen 23 sanno.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale warbixin dheer ka bixiyay xidhiidhka Brundi iyo dalkiisa ee hada iyo qorshaha Mustaqbalka u yaala labada waddan.




Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan Madaxweynaha Brundi ku soo dhoweeyo Muqdisho. Ciidanka Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dadaalkooda dib u soo celinta amniga Somalia iyo sida ay naftoodu ugu horeen oo ay dhiigooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”burrrdi




Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mudadii ay ciidanka Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyey, Muqdisho oo kooxahii nabad-diidka laga saaray, oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-Shabaab laga saran sida Baydhabo, Kismayo, Marka, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale. Ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Brundi iyo kuwa kale ee Afrika ee noo soo gurmaday.”




Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Somalia sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan 2016. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa wallaalaheen Brundi dowladooda iyo shacabkoodaba.”




Madaxweynaha Brundi ayaa maanta sidoo kale  la kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. General Silas Ntigurirwa, isagoo booqday goobaha ciidanka Brundi joogaan, warbixina ka dhegeystay Saraakiisha ugu saraysa ciidamada.burs




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@Gobanimonews.com